Somalida Galbeedeey Salkaw Dhiga Dawladiina


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 07:27:55
Seygii Qabay Lagu Hor Dilay, Iyaoo Saaxiyoo Arkaysa, Imisaa Soof Kuu Dareeray, Sahaale Cadaawe Loogtay

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

SOMAALIDA GALBEEDEY,SIDEE TAHIIN MAXAYDIN HELAY,

MUDAA SILICIYO DHIBIYO,SAXARIIR AYDIN SOO MARTEEN,

SABOOL IYO CAYDHNIMIYO,GUMAYSTE IDIN SAARANIYO,

SAATIRKEEN WIXII UU NEBCAA,MUDAY SABADIINA TIILAY.

 

SEBI IYO SODOH IYO NIN WEYN,IMISAA SAHAL LOO ILOOBAY,

SALAAD IMISA U TOOSO,HADDANA SOO NOQONBA WAAYEY,



FB",sans-serif;">SILSILAD SEEDIHIYO QOORTA,IMISA LAYSKU XIDHAY SUJAAC,

SUULIGA SEEXDOO KA NOOL,IMISA SUUBAN GABADHA AHAYD.

 

SEYGII QABAY LAGU HOR DILAY,IYAOO SAAXIYOO ARKAYSA,

IMISAA SOOF KUU DAREERAY,SAHAALE CADAAWE LOOGTAY,

IMISAA GABADH SEEMAN ASAN,INTO SI XUN LOOGU DHELAY,

SULDAANO IMISA LA TOOGTAY,IYAGOO DENBI AAN SAMAYNIN.

 

SUMXAANKA ALLAA OGSOONE,SOKEEYE MAXUU WAX GEYSTAY,

SAQAJAAN QOFKAYSKA DIIDAY,SAQDHEX LAGA QAATAY HOYGA,

INTAASOO SABAB LA’ANA,LAGUNA SAAMAXAY KUWII SAMEEYEY,

SIFAA GOBI LEEDAY WEEYE,SADKEEDANA WEYDIN HELI.

 

HADDA SAMIR YEELATAAN,DAWLADIINA SALKA AW DHIGTAAN,

SUNTEEDA QABIIL NACDAAN,DHAMAANTIIN ISA SAAMAXDAAN,

HALKAW SOCOTAAN OGTIIN,SAATIRKIINA TALO SAARATAAN,

SIDII ROON BAY WAX NOQON,CADAAWENA KAA SOCDAAL.

 

SUBXAANA RABIKA.

                                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.