Odaydhaqameedka Gobolka Selel Oo Madaxwayne Biixi Kula Taliyay Inuu Gobolka U Soo Magacaabo Badhasaab Karti Leh


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 06:59:59
waa laga dheregsan yahay in inta uu yimid gobolka badhasaabkan uu xidhiidhka u dhaxeeyay dalalka walaalaha

Boorama (HWN) Odayaal dheqmeed kasoo jeeda gobolka Selel ayaa Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu waxa ka qabto dhibaatooyinka ragaadiyay degmada Saylac, iyo maamulxumada ka taagan ee xudunta u noqotay, waxana ay carab dhabeen in ay gobolka Selel u soo magaabo masuul hanan kara masuuliyada balaadhan ee gobolka taala, xidhiidh wanaagsan oo ay dalalka Djibouti iyo Somaliland yeeshaana ka shaqayn kara.

Oday Cabdilaahi Migil Oo ka mid ah madax dhaqmeedka gobolka Selel oo shabakada Hadhwaaagnews u waramay ayaa sheegay in dareenka uu ka waramayaa uu yahay mid guud oo ku jira guud ahaan dadka gobolka waxana sidoo kale uu  si hufan uga xog




waramay dhibaatooyinka ay maamul xumadu horseeday ee gobolka Selel Ragaadiyay waxana uu yidhi “Adeer gobolkan dhibaatooyin fara badan ayaa haysta waxaana dareemayaa inaysan jirin cid u maqan iyo ceel u qodan toona, waxaa deegaanka soo food saartay abaaro iskaga denbeeyay, dadkii oo dhul alle ku kuday isku haysta markii ay waayeen cid kala saartana qarka u saran anay hubka isku gurtaan, masuuliyada ugu dambaysa ee badbaadinta gobolkana waxa ay saran tahay maanta Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi”.

Isaga oo hadlaka sii wata ayaa waxa uu Oday Migil yidhi “waa laga dheregsan yahay in inta uu yimid gobolka badhasaabkan uu xidhiidhka u dhaxeeyay dalalka walaalaha ee Somaliland iyo Djibouti uu xumaaday, taasna ay mushkilad badan oo dhinaca nolosha iyo isku socodka ah ay ka soo gaadhay dadkii degaanka ee ku tiirsanaa dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo isku socod ee xadka”

Oday Cabdilaahi Migil ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay haboonaan lahayd in badhasaabada goboladda Salal iyo Daad-madheedh la isku badalo isaga oo sababaynayana waxa uu yidhi “Badhasaabka Daad madheedh Axmed Cabdilaahi Diiriye oo ahaa nin halkan u dhashay oo aan is leenahay mala kan hada salal jooga waa dhaqdhaqaaq dhaami lahaa waxa uu liinta ku cabaa Hargaysa markii uu wax uu ka qabto degamdii badhasaabka looga dhigay garan waayay, Badhasaab Mawliid Maxamed Nuur uu isaguna noqday nin ka xidhxidhan uu dadka dhex galo oo baahiyaha ay qabaan uu ogoodo”

 “Madaxwayne gobolkan nin nolosha dadkiisa samata-bixiya ayuu u baahan yahay uma baahna masuul aan aqoon u lahayn xadka gobolka uu maamulo oo degmada Saylac oo kaliya isku koobay, waxana aan ku talin lahaa in aad gobolka Badbaadiso oo hogaamiye ildheer garad ah oo u dhashay aad u soo magacawdo”




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.