Kaftanka Caawa, Waayaha Labada Kulmiye.


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 09, 2019 17:37:17
waxay fikirtaba maalintii danbe ayay go'aansatay in ay Yaxaas carabka ka khiyaamayso , kuna tidhaahdo Yaxaasoow carabkaaga

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii horre Dacawadu carab may lahaynoo way carab la 'ayd ,carab la'aantaasina cuqdad bay ku haysay , mar walbana waxay ka fikiri jirtay siday carab u heli lahayd .

waxay fikirtaba maalintii danbe ayay go'aansatay in ay Yaxaas carabka ka khiyaamayso , kuna tidhaahdo Yaxaasoow carabkaaga i amaanaysii waan kuu soo celinayaaye , ka dibna intay u tagtay bay ku tidhi , Yaxaasoow walaashay baa la hoyinayaaye , carabka i amaanaysii waan kuusoo celinayaaye , isna wuu rumaystayoo wuu i dhiibay .

Dacawadi markay dhawr cisho carabkii la maqnayd , mudadii balantana ay dhaaftay ayay




maalintiii danbe webigii yaxaasku ku jirey dultimi , markaasay intay qosol iyo mashxarad ku dhufatay tidhi , Yaxaasoow welee carabkaagii dib uma aragtid,Yaxaaskiina intuu murugooday oo is ciil kaanbiyey buu yidhi , Dacawoow walee adna dool webi kuu la'a .

Imika waa halkaase , waagii Xukuumadii horre ee Kulmiye talada haysay , waatii kulmiyihii Xisbiga iyo kulmiyihii xukuumada khilaafku dhex meri jirey , markii danbana waatii ay is afgarteen , hassa yeeshee doorashadii ka dib , waxaa soo baxbaxaya Kulmiyihii horre oo maalin walba lasoo taagan gudoomiye nimadii xisbiga hanalagu soo wareejiyo iyo warar aan kulmiyaha danbe ka farxin oo uu kulmiyihii horre ka tagey oo kolba soo baxbaxaya , markaa sheekada labada kulmiye waxay u muuqatii sheekadii Dacawada iyo yaxaaska ,ee Carabkaagii dib uma aragtid iyo adna dool webi kuu la'a .

W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.