Askariga Gari Ma Gasho Kamana Baxdo (Abdi-Shotaly)!


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 09, 2019 10:34:05
Somalidu waxay tidhaahaa, mayd yaa ugu dambayeeyey, iyo kaa la sii sido'e, shalay oo bishu ay ahayd 07/02/2019, waxa tog-wajaale

In goboladda Bari iyo Awdal been iyo kala qaybin lagu khawaysiiyo, kuwa uu askarigu ka soo jeedaana, hantiddii ummadda lagu foorariyo, inta aad liqdaan mooyeen, wax la aqabli karo maaha ee meeye goboladdii Awdal, Sanaag, sool, togdheer, badhani iyadda waa kii sekedda u siiyey Puntland oo maba joogto'e. Hooga iyo silica saameeyey dhamaan shicibkii, ee ay dariiq-yadda la wadhan yihiin, ma dan buu ka leeyahay, isagu suunkii gaajadda wuu kala jaraye, oo caymar buu siddii daayeerkii daba-saaraaye, inta kula boob-taana wxay ka yimaadeen isla xaafadda sidda Cabdiraxmaan ( Ka war-baahinta). Waxan halkan ku soo koobayaa, in yar oo aan saaka falkiyey, kuna sawiraayo halka xaalka uu ku sugun




yahay, muwaadi-niintii reer Somaliland hadaad tihiin, taas oo ah qaataye-qaado, 99% dadkii caloosha suun bay ku kala jareen, si aanay u dareemin xanuunka gaajadda, weliba sidda lagu sii jees-jeesaayo baa ka sii daran, lana leeyahay baga-baga, sababta oo ah waa intay u socdeen, ilayn way og-tahay askartu, in aanay weli-good xafiis maamul loo dirto daayo, aanay isba dhex taagin, ee ay mar-kooddii hore-ba shaqo tag ahaayeen, kuwa daba-leef-yadda ah, ee canka subagu ka dareerayaa, meel ha idin geeyeen ummad yahay, ilayn idinka baa isugu wacan, oo ka tashan waayee.

 

 Askariggii wuxuu helay khasnaddii camirayd, ee cabdi qahayr sheegay, taas oo ah "Meel Bur cawsa leh, oo biyo u dhaw", oo ah halkii uu baadi doonka, weli-giiba ku raadi-naayey biciidku, ee loogu heesi jirey, taas oo noqotay, hantiddii ummadda oo lagu kala tegay kana dhacday " Tolaay anigaa hadhay". Waxan halkan idiinku soo gudbinayaa afray soo koobaysa, sidda uu xaal yahay iyo halka la isla maraayo, iyo weliba sidda aad ugu daawanay-saan, iyadda oo hashiinii hor-tiina cadaw ku maalaayo.

 

 80kan malyuun ka badan,

kiish-kay          qaateene,

Kululaatay aw diiriyaw, Kaba                       la'aantiiye,

 Kumanaan malyuun baa ku maqan,          duulkan kaafiriin-taase

Kulmiyuhu kadeed kuu na baday, uu kaydki wadda iibshay, 

Abaar kulayl dhaaftay iyo, gaajo wadda koobtay, 

Ummaddii siddi dheri karaa, qiiq ka baxayaaye, 

Kurbashiyo haraad baa bogii, kala go'aayaaye, 

Kumanaan ayuu sii socdaa, koobka shaahiye, 

Kadab kale ma jiro, oo waanan kara-hayne, 

kelidhi bay dhegtii wadda hayaan, bayl ay kariyaane, 

Kuwii loo egmaday baa dhamaan, keenay macaluule, 

Waa kuwaa kashbacay, ee kelyuhu kubadda leeg yiine, 

Kalxamaha gidaaradda ka weyn, iyo camamkan kuusoobay, 

Markii ay ka haageen ayey, kuu ab-tiri-yaane, 

Waa uun karbashyadda cunoon, kabaha dhaafayne, 

Dacaskii kol ay tahay way rahmeen, koombo daasasad ahe.

Kiishkii islaamaha isana, maafush kala gooye, 

Kumbuskii la qaadyoo carabta, bay ka iib-sheene, 

Alahayaw kuwaa naga qab-qabo, karahnay duulkaase, 

Waa karaamo seeg oo ma jiro, ruux ka gaar ahiye..

 

 Wax-ba la-lama wadaago " Gar ma qaate waran-kiyo, nin gaashaanka weheshadda, oo gudub bilaawaha, shakaduun ku giig-tiran, ilayn iskuma kalsoona oo cidluu ka babana-yaaye, waa in aad ka taxa-dirto oo aanad sinaba u aaminin, waa sidda askarigan. Somalidu waxay tidhaahaa, mayd yaa ugu dambayeeyey, iyo kaa la sii sido'e, shalay oo bishu ay ahayd 07/02/2019, waxa tog-wajaale ( Qaybta itoobiya) lagu qabtay lacag dhan $60 malyuun oo doolar, taa oo isugu jirta lacgo ay leeyihiin wadamo kala gedisani, ee hoos ka akhriso, waxana sitay rag ay askariga isku xaafad yihiin, waxa lagu waday Xarshin, sidda ay wararka itoobiya ka soo baxayaa ay cadeeyeen, Lacag-taasi waxay kala baxdaa:-

 (a) $30 Milyan oo ah Lacagta                      Maraykanka.

(b) $10 Milyan oo ah Lacagta                 Ingiriiska ama UK.

 (c) $10 Malyan oo ah Lacagta                    Imaaraadka.

(d) $5 Milyan oo ah Lacagta Kuwayt         ( Kuwait) ee Diinaarka la yidhaaho.

 (e) $5 Milyan oo ah Lacagta                        doolarka Itoobiya.

 

Kaba tole, tolan xun ma waayo, asakarigan iyo rakaab-kiisuna, waa dhidid iyo dhafoorkuu ka soo baxay, sidaas awgeed isma dhaanto weeye, aan isu dhiiban. Muwaadin aan hoos u daadego'e, Waxay kaloo somalidu tidhaahaa " HUnguri iskuam khajilo, hoona ska dheere"  Waxan ku soo gaabiyey maqaalkan,  waxa la idn-kula socdaa tixddii ahayd, " Ninmaad Qali qamuun-yadda Ka dhawr, Oo Foolasha u qaawi, qadacaa ilkaha yuu arkine, Hawba kala qaadin", laakiin askarigu maba qarsan karo, taasina waxay ku tusaysaa, in aanu meela ka soo gelin siyaasadda, ee ay wixiisu yihiin qub iyo qac, ham-ham iyo dig-dig meel madhan ah. Somalidu waxay tidhaahaa, nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye. waa kuwii uu sheegay ilaah ha u naxariisto'e Cabdilaahi Suldaan  ( Tima-cade), ee uu lahaa " muraad-koodu niman-kuu ahaa moodhar-kiyo daarta, nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo" ujeedo waxa weeye, maamulka askarigu wax kale umuu iman, ee aad ka xoog-satid buu xukunka u boobay. kuwa leh wax buu qabtay-na, waa inta dhiisha caanaha looga buuxiyey, ee kuruska geela isla dhacaysa, horaase loo yidhi, nin dhergay dhalaan-kiisa ma oga, sidaas awgeed ha fadhido faraw fidmo mooyee, maba fekertoo is faquu-daye, xaquna ma aasmo, eeisaga baa feedhaha jebiya mid kastoo xoog is bidda, 

 

* N.B Hunguri iskuma khajilo, Hoona Ka Dheer!

  Qore:- Abdi-Shotaly,

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.