Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Siduu U Arkaa Daynta $ 80 Milyan Ah Ee La Sheegay In Xukuumadu La Ildarantahay?


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 06, 2019 09:00:27
Soo shaac bixida dayntan ayaa ku soo beegantay xili xukuumada Somaliland todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqday

Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro ) ayaa kahadlay $80 milyan oo dayn ah oo lasheegay in xukuumadii hore ee Kulmiye ku wareejisay xukuumada cusub ee uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu hogaamiyo

Gudoomiye Ciro ayaa ku baaqay in shacabka laga siiyo warbixin faahfaahsan, isla markaana la sheego sidii daynta loogu yeeshay Xukuumada.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo waraysi gaar ah siiyay Saabtv ayaa yidhi “Waxaa saxaafada ilaa shalay ku jirtay in la soo bandhigay markii ugu horaysay in xukuumadii Kulmiye ee Hore xukuumadan cusub ku wareejisay $ 80 milyan oo doolar oo dayn ah, shacabkuna intaa way hadal




hayeen, dayn baa lagu wareejay madaxwayne Muuse, dayn la qariyay bayna ahayd sabab shacabka looga qariyayna garaan mayno, markaasi arintaasi ilaahay baa khashifay baan leeyahay, wixii shacabku sheegayayna way soo bexeen” ayuu yidhi.

Gudomiye Ciro ayaa intaasi raaciyay “markaa xukuumada waxaan kula talinaynaa in dayntaasi si faahfaahsan shacabka loogu sheego, siduu shacabku udaymoobayna loosheego, warbixin buuxdana shacabka loo soo bandhigo ayaan ugu baaqayaa”

Xukuumada Hada talada dalka hayso oo fadhiday muddo kabadan sannad ayaan shacabka usoo bandhigin  in wax dayn ah ay kala wareegtay xukuumadii ka horaysay ee uu hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo, waxayna dayntan soo baxday kadib markii  gudi hoosaadka Ilaalinta iyo daba galka Hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland kulan la yeesheen Wasiirka wasaarada Maaliyada Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale waxaa iska fogaysay in ay wax dayn ah wareejisay Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada ee Xukuumadii hore ee Siilaanyo  Samsam Cabdi Aadan.

Soo shaac bixida dayntan ayaa ku soo beegantay xili xukuumada Somaliland todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqday in mucaawimo lala soo gaadho inkabadan halmilyan iyo badh oo qof oo ku nool Somaliland.

 

Cabdiraxmaan Sh. Xasan

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.