Milicsiga Taariikhda Casriga ah ee Cilaaqaadka Somaliland & England


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 17:45:17
Fursaddii ugu horreysay ee Ingiriisku ku abaaro arrimaha Soomaaliyeed, waxay ahayd tii ku soo beegantay

Garyaqaan Maxamed Baxsane

Fursaddii ugu horreysay ee Ingiriisku ku abaaro arrimaha Soomaaliyeed, waxay ahayd tii ku soo beegantay xaalad dagaal oo isagu jirta Diini iyo waddani saameysay maxmiyaddiisii Somaliland ka-sakow, gelinnnada Reserve Area, Hawd iyo Nugaal, taasoo sababtay inuu Ingiriisku bowsado, haseyeeshee kaga xeel dheeraad gumeystayaasha kale, sida; Fransiiska iyo Talyaaniga dhaqanka iyo xeeladaha ijtimaac ee lagu hago Soomaalida.

Sidoo kale, waxa uu isku qanciyey barnaamij uu ugu magac-daray; “Pax Britannicu Pastoral Democracy,” oo uu u arkay inuu barnaamij udub-dhexaad siyaasadeed u ah hoggaaminta Soomaalida iyo nabadeynta dhulkooda.

Sida runta ah, intii ka horreysay Dagaalkii Labaad ee adduunka, siyaasaddaas Ingiriisku waa la odhan karaa, inay ka-midho-dhalisay Maxmiyaddiisii




Somaliland oo ay si gaar ah uga faa’iidaysteen sayladaha Burco iyo Oodweyne, Dekedda Berbera iyo Hargeysa oo uu u igmaday xaruntiisa, waxaanna isla markaana taabo-qaaday dabaqado isugu jira Tijaar iyo hoggaan-dhaqameed suuban oo uu ku qanacsan yahay wada shaqeyntooda.

Markii Dagaalkii Labaad ee adduunka dhammaaday, waxa uu Ingiriisku is-bidayey inuu yahay guuleystihii labaad, marka laga reebo Maraykanka, waxa uu sidii laga filayey Beesha Caalamka ula yimi qab laba-jibbaaran oo ku aadan xal-u-helidda arrinta Soomaaliyeed oo u dhulkooda gumeystaal fara badan gacanta ugu kala jiro.

Gaar ahaan, Talyaaniga oo uu u arkayey dawlad jabtay oo aan dib-u-hannan karin maamul dhul Soomaaliyeed, waxaannu taariikhdu markii ay ahayd 16/April/1946-kii uu si badheedh ah ugu bandhigtay saddexdii quwadood ee guuleystayaasha ahaa; Maraykanka (USA), Faransiiska (France) iyo Midowgii Soofiyat, hindise loogu magac-daray; “Bevan Planning.” Oo uu ujeeddadiisu tahay in dhammaan geyigga Soomaalidu degto la hoos geeyo Wasiilad Caalami ooo uu Ingiriisku toos u maamulo, waanna markii ugu horreysay ee si rasmi ah loo maqlo arrinta lagu jabay ee Soomaali-weyn.

Nasiib-darro, saddexdii quwadood ee kale ee uu la arrinsayey waxay kala yeesheen mowqifyo ka duwan hindisihii Ingiriisku, kuwaasoo kala ahaa;

Faransiiska (France) oo ku yidhi; “Waa in Talyaaniga sidiisii loogu celiyo Koonfurtii Soomaaliyeed.”

Markaykanka (USA) oo yidhi; “Haddii ciddi dib u maamulayso Soomaali waxa ugu habboon Wasiilad toos ah oo hos timaadda Beesha Caalamka.” Iyo Midowgii Soofiyat oo isaguna shuruud uga dhigay hindisaha Ingiriiska; “Oggolaansho Boqortooyada Xabashida.” Markaa soo rogaal-celisay oo aan sinnaba uga qanacsanayn siyaasaddaas Ingiriiska oo dabcan saamaynaysa dhulka Ogaadeeniya iyo Hawd-ka oo aanay sinnaba u oggolaanayn gacantooda uga baxdo.

Waxa ugu dambeyn, si dadban loo qaatay taladii Maraykanka, iyada oo Koonfurtii Soomaaliya lagu soo rogay Wasiilad Caalamiya oo ay Beesha Caalamka uga wakiil yihiin afar dowladood oo ay ku jiraan Talyaaniga iyo Masaarida, waanna sababta barnaamijkaas Ingiriiska ee Soomaali-weyntu uu ugu dhex milmayo siyaasaddii Qoomiyatul Carab iyo  Qawlaysatadii Talyaaniga ahayd ee horeba gacanta ugu haysay dhaqaalaha Koonfurta Soomaaliya.

Sida aynu hore u soo sheegnay, waxa la galay sannadihii kontomeeyadii (1950s), iyada oo unugyadii siyaasadeed ee Soomaaliyeed ee u horreeyey oo la jaan-qaada barnaamijkii Soomaali-weynta ee Ingiriiska, haddana ku dhex milmay afkaarihii siyaasadeed ee waqtigaas socday oo ku salleysannaa xornimo-doon iyo waddanimo, oo adeegsanaya codka siyaasadda Qoomiyatul Carab iyo afkaarta gobonimo-doonka ah ee Qaaradda Afrika.

Waanna sababta xisbigii Somali Youth League (SYL) ee uu Ingiriisku aasaaskiisa lahaa uu haddana ka leexdo jihaddii Soomaali-weyn ee Ingiriisku u ugu talogalay, iyada oo ay qaddiyaddii gobonimada iyo mideynta dhulka Soomaaliyeed ay toos ugu xidhmaan barnaamijkii markaa casriga ahaa ee la magac-baxay; “Pan Africanizm.” Oo uu isna ka dhashay barnaamijkii Soomaalidu ugu magac-dartay; “Pan Soomaalizm.”

Isla sannaddahaas kontommadii (1950s), waxa uu Ingiriiska ku soo-rogaal-celiyey Maxmiyaddii Somaliland oo uu in door ah  dayacay. Sababahaas aynu soo sheegnay awgood, waxaannu isku dayey inuu si kedis ah ula jaan-qaad siiyo Maxmiyadda Somaliland barnaamijka siyaasadeed ee ay ku tallaabsadeen horumarka siyaasadeed Faransiiska iyo Talyaaniga oo uga wakiil ah Beesha Caalamka ee Koonfurta iyo Xeebta Soomaaliyeed:

1.         Kan ugu horreeyaa, waxa uu ku wajahan yahay isku xidhka Maxmiyadda Somaliland iyo Reserve Area oo uu hormood ka yahay Maykal Maryaamo iyo xisbiga National United Front (NUF).

2.         Kan labaadna waxa waajahan yahay iska caabiga xisbiga Somali Youth League (SYL) ee uu ku hungoobay oo uu hormood ka yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xisbigiisii Somali National League (SNL).

Labadaas ujeedo midkoodna ma hirgelin oo xisbigii National United Front (NUF) iyo Maykal Maryaamo waxay hannan kari waayeen shacbiweynihii Reer Somaliland, halka Somali National League (SNL) iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ku dhex milmeen sidii Ingiriiska laftiisa Somali Youth League (SYL) iyo hawadii Soomaali-weyn ee Muqdisho ka socotay, waanna sababta keentay asxaabtii Somaliland ay si bilaa-shuruud ah 4/April/1960-ka ay ula saxeexdeen xisbigii Somali Youth League (SYL) Midnimada Woqooyi iyo Koonfur.

Geeddi-socodkaas mugdiga ah ee aynu soo sharraxnay, waxa qudha ee lagu iloobi karaa heshiisyadii uu Ingiriisku kula taliyey Baarlamaanka Somaliland oo markaa ka koobnaa 33 xubnood inay ansixiyaan inta u dhexaysa 26-ka June oo ah maalintii u qorshaysnayd inuu Somaliland xorriyadeeda siiyo iyo 1-da July oo ah waqtigii UN-tu u cayimey inay Koonfurta xorriyadooda qaataan. Heshiisyadaas oo kala ahaa;

1.         Heshiis la xidhiidha amniga iyo isgaadhsiinta

2.         Heshiis la xidhiidha warbaahinta iyo warfaafinta

3.         Heshiis la xidhiidha ciidankii la odhan jiray Somali Scot iyo xuquuqdooda iyo

4.         Heshiis la xidhiidha waxbarashada laga bilaabo Dugsiga Sare (A Level) ilaa Jaamacadda (Scholarship)

Heshiisyadaas oo dhammaantood ku muddaysan waqti toban sannadood ah.

Garyaqaan Maxamed Baxsane




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.