Wacdaraha Iyo Wax Qabadka Uu Muujiyay Taliye Fadal WQ Cabdilahi Ismacil


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 16:31:10
Waxaan aaminsanahay in aan la helayan samanka lagu jiro sarkaal la nooc dhinaca kartida daacdnimada khibarada

Aniga oo ah muwadin somaliland waxaan u kuur galay wax qabadka iyo wacdaraha uu muujiyay Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan waa shakhsi uu Alle ku Manaystay Karti,dadaal 100/% waa nin soo jeeda oo firfircoon waa shakhsi kala yaqaan bulshada kala duwan sida culimada aqoon yahanka iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan.

waxa kale oo uu aad iyo aad u yaqaana dadka danbiilayaasha ah waana arrinka keentay inuu ku guulaysto ka falcelinta danbiyada ka dhaca dalka 100/99 waxa kale oo la ii sheegay dadka ka ag dhaw in uu ilahay baryo kuna kabo aqoontiisa khibradiisa ciidannimo oo uu dhaho allow I astur waana ta keentay guusha uu marwalba




u soo hooyo qaranka waxa kale oo u Alle  ku manaystay kalsooni daacadnimo iyo kor u qaadida siyaasada qaranka fulinteeda waxa kale oo la ii sheegay inuu aqoon buuxda oo shakhsiyadeed u leeyahy ciidan waynaha booliska jsl.

Waa shakhsi waji furan oo qaabilad leh kuna qaabila qof walba shakhsiyadiisa iyo dadnimadiisa maadama oo u aqoon farabadan u leeyahy bulshada

Waxaan aaminsanahay in aan la helayn samanka lagu jiro Janaraal la nooca ah dhinaca kartida daac-nimada khibarada 15 sano ka  hore  xaalada wadanku way ka duwanayd sidan Bab-layshanka Dadkuna Way ka Yarayeen Sidan ay tahay may jirin al shabaab may jirin dadka dhulka isku dila may jirin dhalinyaradan fidmawadayaasha ah dadka qaar ayay waxay ku eedayeen kooxahan fidmawadaayasha ah taasna fadal dhaliil kuma leh waa masiibo ku dhacday bulsho waynta Reer Somaliland loona baahan yahay in laga yeesho siyaasad qaran

Dhalinyarada Somaliland Inta u dhaxaysa 15-25 waxay noqdeen kuwa ka baxay faraha waalidkood waana masiibo jirta.

Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa In bulshada rayidka iyo madaxba laga wada shaqeeyo sidii loola la shaqayn lahaa ciidanka booliska  waxana looga qaban lahaa dhalinyarada ka sii baxaysa faraheena mustaqbalkana keeni karta nabad galyo daro guud.

 

ALLA MAHADLEH

Muwadin Dagan Hargaysa,somaliland

Cabdilahi Ismacil




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.