Wasiir Hinda Gaani Oo Sheegtay In Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Laga Maamulo Xafiiska Farmaajo


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 15:52:59
Xukuumada Oo Sheegtay In Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Laga Maamulka Xafiiska Farmaajo

Hargeysa(HWN):-Wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Hinda Jaamac Gaani ayaa sheegtay in ay jiraan dhallinyaro reer Somaliland ah oo laga maamulo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Waxay sheegtay in dhallinyaradaas oo iska dhigayay dad Somaliland ahi ay faafinayaan aragtida xukuumadda Muqdisho, islamarkaana bulshada Somaliland beelo u kala qaybiyaan iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada.

Wasiirka oo dhallinyaro kula hadlaysay munaasibad lagu qabtay Hargeysa waxay dhallinyarada ugu baaqday in ay kuwaas dalka ka difaacan iskana hubiyaan oo aanay kuwaasi duufsan.

Lama oga in wasiirku dhallinyarada ay weeraraysa yihiin kuwa mucaaradka taabacsan ee naqdiya ficillada xukuumadda Muqdisho iyo in ay yihiin kuwo




shaqada ay tilmaantay u qabta xukuumadda Soomaaliya

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.