War Deg Deg Ah:- Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Abwaan Cabdiraxmaan Abees


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 14:20:12
War Deg Deg Ah:- Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah suugaanyahada Somaliland.

Ciidamada booliska ayaa la sheegay inay goor dhawayd qabteen isla markaana xabsiga dhigeen Abwaan Cabdiraxmaan Abees, iyada oo xadhigiisa lala xidhiidhinayo sugaan uu xalay ku soo bandhigay magaalada Hargeysa oo ku saabsanayd hogaaminta wanaagsan.

Ilaa hada ciidamada boolisku kamay hadal sababta keentay xadhiga abwaan Cabdiraxmaan abees iyo waxyaabaha lagu eedaynayo toona.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si adag u dhaleecaynaya xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyaga oo soo bandhigaya qodobada dastuuriga ah ee damaanad qaaday xoriyada hadalka.

 

Hadhwanaagnew.com/Office

Hargeysa/Somaliland









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.