Hay'adda Shaqaaluhu Waa Inay Si Cadaalada U Shaqaalysiisaa Shaqaalaha wasaarada Caafimadka.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 13:34:45
Shaqaaluhu isuma jiraan qaar ayaa qaranka u shaqaynayay

Dhawaaan waxa la shaacin doonaa tirada ay dawladu ka qaadatay shaqaale wayne la diiwan galyay oo ka tirsan bahda caafimadka  gaar ahaan wasarada horumarinta caafimadka 

 
Shaqaalaha caafimadku waxay ay yihiin lafdhabarta umada laantood waxba may hagaageen  waxayna ka mid yhiin shaqaalaha ugu tirada badan wadanka muhiimada uu qofka shaqaalihii umada u hayo waa mid aan la soo koobi karin  dawladu waa inay xil iska saartaa dib u habaynta iyo shaqaalysiinta bahda caafimadka   
 
Shaqaaluhu waxay isugu jireeen kuwo horay ugu jiray dawlada oo loo samynayay upgrading ama dalacsiin qaarna waa kuwo cusub oo hada dawladu qaadanaysay 




   
 
Shaqaaluhu isuma jiraan qaar ayaa qaranka u shaqaynayay sanado badan walina aan noqon shaqaale dawladeed qaarnaa waa kuwo sanad laba sadex iyo ka yarba shaqaynayay oo aqoontooda ay dhalisay inay wax badaalan umadana wax taraan
 
Haayada shaqaaluhu may cadayn qaabka iyo siyaaabaha ay u qaadanayaan shaqaalaha  wax aan ka ahayn inay diiwan galyeen qofka magiicisa inta uu shaqaynayay  lanbarkiisa  iyo shahaadada uu sito nooca ay tahay  
 
 Tartan lagu kala saaro lama sheegin   waxyaabaha cadaalada inoo muujinaya ayaa waxay tahay qof walba aqoonta uu ku shaqaynayo in lagu imtaxaaamo  oo uu qaranka ugu hayo      
 
Waxan u  soo jeedinayaa haayada shaqaalaha  iyo madaxwaynaha inay shaqaalaha ku kala saarto hab cadaalada oo loo tartamo qof walbana halka ay dhigatay aqoontiisu waa ku qancayaaa aqbali mayno in la yidhaahdo uun  hebel waa lagu daray hebelna waa laga reeebay ayadoon loo tartamin 
  wa bilaahi tawfiiq

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.