Ururadan Saqiiriyo, Golayaashan Abaaday, Albaabada U Soo Xidha.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2019 09:06:46
Alluhu Uma Daraade, Ilduuf Baanay Deyneyn, Aramaida Xanuunkale, Eedaadka Soo Maray,

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B)
SALAAN GAAR AHNA BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

ARAAR IYO MAANSABA,AXMEDOOW U SHEEGTOO,

ODOROSTO TILMAANTO,ISLA WEYN ITAAL DARAN,

AFKANOOL ISARAGTOY,HAREERAHED MA EEGAAY,

AARKA SOO CIYAAYIYO,EEBADA KU SOO MAQAN,

IYADUNBAY ISKU JEEDE,MA DAREENTO AADUGA.

 

ALLUHU UMA DARAADE,ILDUUF BAANAY DEYNEYN,

ARAMAIDA XANUUNKALE,EEDAADKA SOO




MARAY,

UMUSHAY LA NOOC TAHAY,DURBA WAY ILLOWDA,

KHARASH URURSO MOYE,MA LEH ARAGTI SII DHEER,

AFKA INAAD KA XIDHATIYO,AMUSKAY KU RUNTAHAY.

 

ADUUNKAY ISU BOODEE,ISABAABULAAYIYO,

ASAAGIINA DAAWADA,AAGAA KU NOOSHIIN,

URURADAN SAQIIRIYO,GOLAYAAL ABAADOW,

UMMAD BAYDIN SUGAYSO,IDIN EEGANAYSE,

ODAYAAL LA SHIRIYIYO,ABTIRSIMO REERNIMO.

 

WAA HORAYNU EEDNE,HADDAYNAN ILBAXAHAYN,

UURUUN AYNU LEENAHAY,ABIDKEEDNA DHALAHAYN,

ASKARTA AYAYDIN DHAANTO,IYAGA TAQAANAAN,

UL KU MAALIS MOOYEE,AQOON WAA KA MADHANTIN,

HA IDIIN ARRIMIYAANE,NOO SOO XIDHA ALBAADA.

             ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.