Saraakiil Ciidan Oo Lagu Soo Tababaray Dalka Turkiga Oo Soo Gaadhay Muqdisho


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 16:51:14
Saraakiil Ciidan Oo Lagu Soo Tababaray Dalka Turkiga Oo Soo Gaadhay Muqdisho

Muqdisho(HWN):-Saraakiil ciidan oo lagu soo tababaray wadanka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta soomaaliya.

Saraakiishan oo tiradoodu gaadhayso 100 ayaa la soo saaray diyaarad gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee Turkigu iyada oo wasiirka gaashaandhiga soomaaliya iyo masuuliyiin kale ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya oo ka hadlay saraakiishan lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa waxa uu yidhi “Waxa naga go’an oo aanu ku dedaalaynaa dibu dhiska ciidamada qalabka sida ee soomaaliya, iyada oo madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo taliska guud ee ciidankuba ay nagu garab taagan yihiin dib u dhiska aanu




ku samaynayno ciidamada qalabka sida.”

Saraakiishan ciidamada ah ee ay dawlada Turkigu u soo tababartay soomaaliya ayaa qayb ka ah iskaashiga u dhaxeeya labada dal iyada oo dawlada Turkigu ay dhinacyo badan ka taageerto soomaaliyada isla markaana ku leh saldhig ciidan oo duleedka Muqdisho ku yaala.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.