F X F = Jileyaasha dahsoon...Axmednuur Guruje


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 16:10:19
F X F = Jileyaasha dahsoon...Axmednuur Guruje

Mogdisho siyaasadeeda hadii aad doonayso in aad fahamto , amaba aad wax ka ogaato , waa in aad fahamtaa atoorayaasha ama jilayasha ruwaayad siyaasadeeda mogdisho kuwa ay yihiin.

Xukuumadda Farmaajo , Xisbiga Xasan sheekh maxamuud , Nabad iyo Nolol iyo Dimu-jadiid , hadaad maqasho waa bogos kaadhkii filimka , hasa yeeshee xogtu waxay ku jirta gudaha filimka marka aad horre ugu sii socota xaqiiqadana aad ogaanaysaa .



41); font-size: 14px;">

Waxba yaan hawraar iyo hadalo guud mara idinku daaline , si aad filimka u fahanto , waxaad raacdaa qaaciidadan xisaabeed ee ah :-

F X F = Jilayaasha dahsoon ,

F X F = Fahad yaasiin X Faarax C/qaadir .

Magaca Ruwaayadda , Soomaalinimo , Wadaninimo iyo Dawladnimo .

Labadaa wiil oo ah laba wiil oo ilmaadeer 3 aad ah , kana soo jeeda tuulo yar oo ka tirsan degmadda Mustaxiil ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya , ayaa ku loolamaya Siyaasada wadanka Fashilmay ee Soomaaliya ,iyagoo kala hororsanaya , awooda iyo meeqaamka siyaasadeed , wax socdaaba waa intaas .

Ilaahayoow nin aan waxba ogayn ha cadaabin .




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.