Ujeedada Kulan Layskugu Yeedhay Safiirada Debada Ee Dalka Itoobiya


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 14:48:48
Ujeedada Kulan Layskugu Yeedhay Safiirada Debada Ee Dalka Itoobiya

Addis Ababa(HWN):-Safiirada wadanka Itoobiya u qaabilsan wadamada dibada ayaa layskugu yeedhay kulan tababar ah oo loo furayo todobaadka dambe.

Warar xogogaal ah oo laga helay wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee Fana in kulanka layskugu yeedhay safiirada dibada lagu naaqishi doono xaalada siyaasadeed ee haatan taagan.

Sidoo kale kulankan ay iskugu imanayaan safiirada Itoobiya ee debadu ayaa lagu faaqidi doonaa isbadalka balaadhan ee ka socda Itoobiya, iyada oo 20 ka mid ah safiiradan layskugu yeedhay la magacaabay bishii hore.









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.