Baarlamaanka Itoobiya Oo Go’aan Ka Gaadhay Heshiisyo Dawladu La Gashay Rwanda Iyo Marooko


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 14:30:03
Baarlamaanka Itoobiya Oo Go’aan Ka Gaadhay Heshiisyo Dawladu La Gashay Rwanda Iyo Marooko

Addis Ababa(HWN):-Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa go’aan ka gaadhay heshiiso dhex maray dawladooda iyo dawladaha Marooko iyo Rwanda.

Dawlada Itoobiya ayaa dhigeeda Marooko la gaadhay  heshiis dhigaya ilaalinta iyo kordhinta maalgashiyada u dhaxeeya labada dal, kaas oo kor u sii qaadaya xidhiidhka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada wadanka isla markaana horseedaya shaqo abuur, kordhinta wax soosaarka iyo iswaydaarsiga technologyada.

Sidoo kale dawlada Itoobiya ayaa heshiis ku saabsan xogta, saxaafada iyo wax soo saarka beeraha la gashay dhigeeda Rwanda, heshiiskaas oo dhigaya in Addis Ababa ay noqoto xarunta fidinta xogta wararka taas oo xarun u noqon doonta ururo badan oo caalami ah isla markaana Rwanda




u gudbin doonta khibrada dhinaca beeraha.

Heshiisyadan ayaa baarlamaanka dalka Itoobiya ku ansixiyeen fadhi ay maanta yeesheen iyada oo  ay miiskana u saaran yihiin xeerar kale oo muhiim ah.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.