War Deg Deg Ah:-Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Lagu Furay


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2019 15:29:58
War Deg Deg Ah:-Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Lagu Furay

Hargeysa(HWN):-Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Warar ay heshay shabakada Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin  dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi.

Agaasimaha guud ayaa la




sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo.

Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey.

 

 

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.