Saaxiibadii Dada Yaraa Ee Siyaasi Cabdilaahi Geel-jire Arin Ay Sameeyeen Oo Iga Yaabisay Ayaan Idinla Wadaagayaa…W/Q Calimahdi Jibriil


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 09, 2019 17:21:07
Saaxiibadii Dada Yaraa Ee Siyaasi Cabdilaahi Geel-jire Arin Ay Sameeyeen Oo Iga Yaabisay Ayaan Idinla Wadaagayaa…W/Q Calimahdi Jibriil

Marka laga yimaado in uu yahay Siyaasi Af-miishaar ah iyo Dhaqan-yaqqaan horena looga Bartay Qoraayo Murtidooda iyo Muggoodaba leh, waa nin Dhalinyarada aad ugu xidhan ayna wax badan ka faaiidaan, inta badan markaan arko waxaan arkaa isagoo dhalinyaro ku aruursan-tahay la fadhido lana sheekaysanayso, waa arin fiican runtii, sidoo kale dhawaan wuxuu sameeyay barnaamij uu ugu magac daray "Barro-dalkaaga" wuxuuna dhalinyaro u badan reer Hargeisa oo laga yaabo in aanay Hargeisa Docna uga bixin qaarkood uu u kexeeyaa oo gee-geeyaa degmooyinka iyo deegaamada kale ee dalka sida, Bali-gubadle, Gacab libaax, Oodwayne, Salaxlay iyo meelo kale oo badan ayuu geeyay.

Dhalinyaradaas Somaliland oo dhan leh




haba u badnaadeen xisbigga kulmiye'e,

Sidaas iyada oo ay tahay abaal badanna uu gashaday dhalinyarada somaliland gaar ahaan inta uu la saaxiibka yahay iyo kuwa uu dalka soo barro, ayaa waxaa ku dhacday in lagu sameeyay cadaalad darro weyn lagulana kacay wax aanu geyin weliba isagoon xil hayn, xisbigii uu ku soo tabcayna niman iska dheheen waanu kaa erinay, run ahaan wax ay ahayd arin aad u fool xun, maalintii warqaddii lagu eryay Xafiiskayaga wararka soo gaadhay ayaan akhriyay kedib waxaan idhi;
"bad bay galeen ninankaas Geel-jire isku taabtay, dhalinyaro badan buu leeyahay oo ku kacaysa Xisbigoodii una doodaysa Cabdilaahi Geel-jire,

Nasiib xumo wixii uu dhalinyaro wad waday ee uu marba meel geynayay waqtigiisa siinayay waayo-aragnimadiisana uga faa'iidaynayay ee markuu meel geeyo soo qori jirtay "SOCDAALKII BARRO DALKAAGA 1,2,3,4" ee sawirada nagu xiijin jirtay, iyo kuwii kale ee uu Hotelada kula caweyn jiray, waaya-aragnimadiisana uu uga faaiiday-jiray intii badnayd midba meel buu ka baxay,

Soomaalidu murti kamay tegine waxaa la yidhi; Saaxiibadaadu waa laba nooc mar walba;
Saaxiibadaada Gu'ga, oo ah saaxiibadaada maalmaha wanaagsan iyo dharaaraha nimcada iyo roobka, Naqqa kula gurata maalmaha ay kaa janjeedhana kaa sii jeesta,
Iyo Saxiibadaada JIILAALKA, 
Saaxiibadani waa kuwo kula jooga ayaamaha fiican kuna garab jooga dharaaraha adag, waa kuwo abaalkaaga guda garasho iyo wanaagna leh,

Cabdilaahi Geel-jirana saaxiibadiisii dhalinyarada ahaa labadaas waddo ayay kala qaadeen,

Waxaan uga socdaa Cabdilaahi Geel-jire asxaabtiisii yaryarayd, badi way ka abtirsadeen maalintii la xumeeyay, oo Miisaankiisii waxaa kala mug weynaaday arimo Xaafadeed, kuwaas ku tigaadi maayo oo 20 jir mudug jooga ilaahayba uma xil qarin, lkn waxaan qormadan u holaday oon rabaa in aan xuso shan ka mida dhalinyaradii la saaxiibka ahayd oo waajibkooodii gutay, run ahaana u hiiliyay iyagoo kulmiye ka tirsanna qaadi waayay khaladkii siyaasadeed ee laga galay masuulkaas, waxayna ahaayeen shan nin oo u badheedhay in ay jiilaalkana la joogaan Saaxiibkoodii waayo-aragga ahaa,

Ka Calimahdi ahaan in badan ayaan insha ku hayay bal siday uga fal celiyaan dhalinyaradii la saaxiibka ahayd siyaasigaa dhamaantood, ha ahaadeen kuwii uuu habeenkii la caweyn-jiray iyo kuwii safarada u raaci jiray amaba kuway sida gaarka ah isku yaqaaneenba e, shan nin oo kala ah Gullied Moh Ismacil , Guled Biixi , Cumar Raambe Haybe Good iyo Eng Hamze Hajji Mohammed , ayuunbaa Saaxiibadiis u Hiiliyay oo Qoraalo ku sheegay in ay ka xunyihiin Cadaalad daradii lagula kacay Siyaasi Geel-jire, intii badnayd asxaabtii ma arag xataa iyagoo ka hadlaya ninkaas wixii lagu sameeyay,

Dhacdadani waxay ku tusaysaa heerka ay marayso iscasabadaysigu dalkeena waxay gaadhsiisan-tahay heer qofka kuugu dhow mararka qaar la is odhanayo saaxiibkaa ama qofkii xishmadda kugu lahaa waxaa ka weyn danta xaafadda,

Run ahaantii shantaa nin aan sheegay waa niman qiyamkooda leh aniguna bartay, koley saaxiibkood Geel-jirena rag kala baray,
Waxaan u xusay maalintii la eryay Maamulihii Madaarka Maxamed Yuusufna waxaan arkayay iyagoo u hiilinaya,

Murtida aan dhacdadan ka dhaxlay waxa ay tahay " marka hawli kugu timaado waxa aad kala barataa Saaxiibadaa, inta ayaamaha wanaagsan kula jiibisa iyo inta maalmaha adag kula joogta,

Siyaasi Gewl-jirana waa nin Saamyntiisa leh oo meel waliba iyadaa u baahane meel.khayr qabta iyo xisbi wanaagsan baan u rajaynayaa,

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.