Kuma Tarantee Ha Ku Talo Gelin ( Abdi-Shotaly)!


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2018 10:41:33
wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, meesha reerku yaalaa, maaha mid anfacaysa, ee waa in laga dal doorsadaa

Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda, tulud geeloo, tebtey llmihii , olol taagteed,  tahan qaylisay, cidlaad tubantee Kulmiyaw tasho, dadkii kaa tage, adays turqayoo ,is tafaafulay, inan kuu tudho, hayga tuugine, tuugyey ka furfuro. Ummad yahay, murti uu (IHN) Cigaal Shidaad inooga tegay, baa waxay na faraysaa, in aanan wax uun ku dhaqaaqine, aad iska fiirsato, iskana hubsato, inta aanad ku kicin ama aanad falin, wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, meesha reerku yaalaa, maaha mid anfacaysa, ee waa in laga dal doorsadaa, haddii kale waxa ka iman doonta dhibaato, dabeed waa laga




dhabar adaeegay, oo waa la dhayal-saday, dheg-na looma dhigin wixii uu sheegaayey, taas oo ah" Hadii aan karintaa laga guurin, waxa ka soo dhici doona gorayo heeryeysan" oo micnahu yahay, wax jacaa'ib ah, oo aan hore loo soo marin, baa la arki doonaa. Waayo'arag-nimadda iyo garashadu akhristaw, waa wax la is dheer-yahaye, ninka ay tuumbo meel ugu jirtaana kuma qanco, illaa ay bishu hortiisa timaado'e, ganafka baa lagaga dhuftay, Mudane Cigaal taladdii uu soo jeediyey, in reerka laga raro halkaa uu tilmaamay, waxana aakhirkii soo baxay, oo karintii ka soo dhaadhacay, wixii uu ka sii dardaar-maayey, oo ahaa " Gorayaddii Heeryeysnayd" ee uu sii sheegay, dabeed af-kala-qaad bay noqotay, iyo in asaggii loo soo noqdo. oo wax la waydiiyo, isku soo duuboo reer-kani mid guuraaya maaha, waxa-na naafeeyey Askarigan, isaga oo markii hore-ba fadhiid-nimo u dhashay. Waxa la yidhi , Dacawo baa reer doonaayey in uu caawa oo kale guuro, goor fiidkii ah, yeelihii ka cuntay, dabeed intay muska u gashay bay qosol la soo jeesatay, oo ay tidhi wallee "Reer Aan Ogahay Ma Guuro" ilayn xadhig wax lagu xidho iyo yeeli uma noola'e, waxa sidaas saaka ah Somaliland, oo aanay meelina u bed qabin.

 

  Kulmiye wuxu noqday hashii 13-ka bilood ( 390 cisho weeyee) laga dhul sugaayey, markii ay mudaddii joogto, inta ay dhicis dhashay, maqaar in lagus alaaxana diiday oo isku gudhay, ka bacdina geel jirkii dhibta la soo maray, inta uu gegi fadhiistay, gacmaa dhabarka saaray. Waxan uga jeedaa, askariga Kulmiyaw, Illaah baa guntiga kuugu xidhay, maydhax gumareede, geedkii ad goysaaba waa, gawlaliyo jiice, maxaanu kuu qaban karnaa, haddii aad noqoteen adiga iyo Ina Kaahin tukihii cadaa iyo Xuunshaddii madoobayd, ee uu mid-koona dhex geli kari waayey noociisii, haddii ummaddii aragiina daayo, maqal-kiinii dhegaha laga furaystay, waa midh subxaana-laah "Nabsaa ku haya, hagardaamo gacal, hadimadii-siiye, Aduun baa hayeydda u guntane, heeryo lagu saarye". la hubsay oo gorayo haad noqotaye, saw ma tihid ninkii seexday ee soo toosay, ma wax baa iska kaa bedelay? Adoo taariikh-daadda og, weligaa cidla iyo meel aan loo jeedin baad ka botorisaa, oo adaa lamaha isku soo jebiya'e, ma aragtay in lagaa huleelay, waa kii Illaah Caafimaad ha siiyo'e Mdax-weyne Siilaanyo, dul iyo hoos-ba kuugu sheegay, waar cidi ku dooni mayso, kuna dooran-mayso, ee aan kaa dhamaysto labadda jeere qun yar fadhi, ee furqaan iyo injiilba lagugu kari waayey, ee ma rumay-satay wixii uu ku lahaa, mise weli cirkaad ku faruur xidhan tahay, oo xaal-kaagu waa lax dhukani abaar moog. Waxa ay Reer Somaliland ku leeyihiin, wax-ba shaadh kale ha noo soo gashan, cid aad maanta wax u sheegayso baa iskaba yare. Arinta hadaba aan u soo qaatay akhristaw xaajadan sare ku taal, waxa weeye, ummadu waxay siisay Kulmiye mudo shan sano ah, oo ay ku tidhi bal hadda aan kugu eegno hogaanka ee qabo, iyaka oo ku yaqaanay waxa aad tahay Kulmiyaw, markii baroor-taaddii laag fadhiyi waayey, waxana soo baxay 7 sano ka wixii lagaaga dayriyey, doorashaddii uGu horeysay ee la sameeyey xusbi-yadda. imika bay leedahay ummaaddii aad tidhi itijaabiya " Awelba anakoo ooyeynay bay riyina nagu sii joog-satay".

 

 Kuma taranee ha ku talo gelin, Talo maalin bay ahayd, waa tii la garan waayey, Nin Baa shir ka hadlay beri oo yidhi " Wax baan ogahay", markaas baa la waydiiyey, oo lagu yidhi maaxaad og-tahay sheekhaw?, bal hadda aanu ku dhegaysano'e ,noo dhaqaaji waxa laguu nuuriyey, wuxu ugu jawaabay, anigu idiin sii sheegi-maayo'e, ee cadceedda oo duhur ah, hadhku gondaha joogo, oo ay tahay siddii Qu'raanku sheegay " Yaa Macsharal-jini wal Insi" soo wadda taagan yihiin, markhaatina ka ah, cid hadhay jirin, baad si cad u arki doontaan waxa lay tusay, buu hadalkii ku soo xidhay. ujeediyo haatan, anna waxa uu hadal igaga go'an yahay, oo aan ku soo af-meeray qoraalkan, haddii aad qadanay-saan iyo hadii kale-ba, mar haddii kuwii dabadda-ka soo shuqa-shuqayn jirey askariga, ay duhur cidhibta kaga dhufteen kulmiye, sidda Ramaax  oo ah kuwii lagu ilaalin jirey Meesha iyo Cali gurey, oo imika asakriga uun mooyee aan wax kale ka hadlin, laakiin-se uu yahay, kii loogu maah-maahay " dameertu geela ha iga didisee, way ii sii qururuf leedahay" kaas oo markuu afka furto-ba dhaliila, waxan isna leeyahay, Cali gureyaw ma adaa ka talinaaya Qaranimo iyo Somaliland?, miyaanad ahayn kii lahaa " Halkii Ilaahay I baday baan tegayaa? ee si cad qabyaaladda ugu badheedhay weliba isla soo taagay saxaafadda? Yaad isu sheegaysaa? waa kee ka aan ku ogayni?  Gar dabadeed baan guu-guu nacaye, meel ha ku geyso, awel-ba maclin PP ah baad ka ahayd Somaliya'e, xarshina burkaa aad ka cuni jirtey, ka dagaal galay-na ma tihide, la qabso duruufaha waa taad doonay,saye, cidi kaa dhegaysan mayso Somaliland baan u baqayaaye, ka soo maal waa taas dhacan-taye, xataa kiilkii shanaad kugu sheegay waxkalee.

 

N.B Illaah Baa Guntiga Kuugu Xidhay Maydhax Gumareede.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.