Dadka Naafada Ahi Waxay Abaal Buuxa U Hayaan Maanta Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Abdi


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2018 09:32:24
Oo Kow Ay Ka Tahay Wasiirka Shaqo Gelinta, Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Marwo Hinda Jama Xirsi (Gaani), 75 Xubnood Ee Loogu Daray Barnaajika Shaqo Qaran

 
Wasiirka Wasaarada Shaqo Gelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska 
Wasiir Kor Uso Qaaday Waaxda Naafada ee Wasaaradeeda Mudadii Ay Joogty. 
Anigoo ku hadlaaya afka bulshada naafada ah ee reer Somaliland waxan ku Hambalyeynayaa Xukumada Jamuhuuriyada Somaliland uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Abdi Anoo si Gaaran ugu Mahad Celinaaya Wasiirka Wasaarada Shaqogelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda jama Xirsi iydoo Bulshada Naafada ahi ka dhex muuqdaan dhamaanba haayadaha dawalada iyadoo sanadkan la siiyey tiradii ugu badneyd ee dadka naaafada ahi shaqaale ahaan yeeshaan taasina waxay ku tusaysaa sida xukumada maanta joogta heegan ugu tahay wax u qabashada iyo dhiiri gelinta dadka naafada ah taas




oo dedaalkeeda iyo kartideedaba ay leedahay Wasaarada Shaqogelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska waana tiradii ugu badaneyd ee loo qaato shaqaale barnaamijka (Shaqo Qaran) oo noqonaysa 75 Xubnood oo ah tiradii ugu badneyd. sida fiican ee ay kor ugu soo qaadey dadka naafada.
 Wasiirada wasaaraada Shaqo gelinta, Arimaha bulshada iyo Qoyska waana wasaarada ay hoos yimaadan waaxda naafada ama Disability Department taas oo iyadu asaastay mudadii ay joogtay markay aragtay baahida ay u Qabaan dadka naafada ahi inay ka helaan dawlada meel ay gaar u leeyihiin oo loogu Qabto dhamaanba baahiyahooda asaasiga ah dhinac kastoy ahaataba.
Naafonimadu waa qader uu Alle (SW) ku keeno bulshada in kamida waana dad mar Walba ka tiro yar dadka kale kana jillicsan kana baahi badan.
Waxayna kulman takoor meelaha qaar ay ka mid yihiin goobbaha shaqo ee gaarka loo Leeyahay, waxbarashada iyo Hogaaaminta bulsho ama leadership .
Sidaa darteed wasaarada shaqo-gelinta Arimaha Bulshda iyo Qoyska oo wasiir ka tahay Marwo Hinda Jama Xirsi waaxay wakiil uga tahay dadka naafada ah inay helaan dhamaanba Tabashooyinka guud arimaha bulshaada.
Waxay wasiiradu meel dhow iyo meel fogba ka eegaysa inay dadkaasi ka muuqan karaan bulshada dhexdeeda hab aqooneed kuna salaysan ka mid ahaansha dismaha Maamulka waadanka taasina waa sababta ay u asaastay Section ka disability Department ga ama waaxda naafada ah.
Wasiir Hinda waxaanu u aragna hadaanu nahay dadka naafada ah iftiin usoo baxay Bulshada naafada ah iyo hooyo u dabacsan dadka jilicsan iyada oo hadh iyo habeen heegan ugu jirta inay dadkaasi ka dhex Muuqdaan bulshada laxaadkeeda qabta oo tiro ahaan iyo aqoon ahaanba ka badan.
Wasaarada Shaqo Gelinta, Arimaha Bulshad iyo Qoysku waa wasaarad qaybo badan Iskugu jirta sida ka muuqata magaceeda iyadoo hawlo badani u yaalan hadana wasiirku Waxay ugu horaysiissa arimah ku saabsan dadkaa naafda ah waana arin aan markhaati ka ahay anigoo kamida bulshada naafada ah ee weliba wax baratay lana kulmay tacadi Naafonimo anigo kala kulmay shirado gaar loo leeyahay oo shaqooyin u doontay.
Habka ugu fiican ee umadi ama wadan ku horumaraa waa hadba inta uu ka war hayo Maamulkiisu dadka jilicsan dhan kastooy ahaataba waana mid uu madaxwenaheenu u Balan qaaday inuu ahmiyada koobaad siinayo dadka naafada ah.
Taasina waa kaga dhabeeyey oo waxa uu dhismihii dawladnimo ku daray inuu u Magacaabo la taliyaha arimaha naafada ee madaxweynaha, waana guul u soo hoyatay Dadkii naafada aha oo kuwaaso u arkaayan inay ka dhex muuqan karaan dawlada.
Ugu danbayntii Somaliland Guul iyo dadka naafada ah oo aan la takoorin iyo abaal weyn oo an u hayno Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Shaqogelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska.
Waxaana an leenahay Alle ha ka abaal mariyo cid kasta oo kor u qaada dadka naafada ah.
 
 
ALLA MAHADI U SUGNAATAY 
      Hargeisa, Somaliland
ENG:Abdirahman Adem Ahmed 
0634482089

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.