Xaalad Caafimaad Oo La Soo Daristay Inan Yar Oo Waraabe Cunay Iyo Aabaha Dhalay Oo Codsi U Dirsaday Ummada Muslimka Ah


(Hadhwanaagnews) Tuesday, December 04, 2018 14:27:55
Xaalad Caafimaad Oo La Soo Daristay Inan Yar Oo Waraabe Ku Cunay Xeebaha Waqooyiga Iyo Aabaha Dhalay Oo Codsi U Dirsaday Somaliland Iyo Bulshada Muslimka Ah

Hargeysa(HWN):-Allaale Maxamed Cumar Rooble oo ah aabaha dhalay inan yar oo da’deedu tagay todoba jir taas oo waraabe ku cunay deegaanka Fuguxo oo ka tirsan xeebaha galbeed ayaa soo bandhigay dhib balaadhan oo haysata.

Allaale Maxamed Cumar Rooble oo Hadhwanaagnews u waramay waxa uu sheegay inuu dhib xoogan kala kulmayo dawooyinka la siinayo ilmahan yar isaga oo xusay in irbada kaliya ay tahay 100$.

Allaale Maxamed Cumar Rooble waxa uu sheegay in inantiisa yar uu waraabuhu ku cunay deegaanola Fuguxo oo u dhaxeeya xeebta Ceel Sheekh iyo Biyo Cas, waxaanu xusay inuu ka mid  yahay dadka xoolo dhaqatada ah isla markaana reer guuraaga ah




isaga oo murugo ka muujiyey xaalada caafimaad ee la soo daristay inantiisa yar.

“Neefka Geela ah Marka uu Waraabuhu gujiyo Waxaa gujadaas oo Kaliya ku soo dhaca oo Qudhma oo Daata inta micidiisu ka Gaadhey Aniguna taas Waayo badan ayaan usoo joogay Waxa ay Calooshu iga gubaneysaa ilmahaa yar oo docda guriga ku sugan oo waraabuhu gacanta ula tagay waxa ay dhibaato ka soo gaadhay madaxa oo uu sadex miciyood kaga dhuftay, hadana mabuu dhigeen wuu ka cararay markii ay ku sastay ee ay qayliday, waraabuhuna hada cunista dadka ayuu ku mamay oo xoolaha kuma koobna, dhakhtarada hargeysa dhib badan ayaan kala kulmay hadaan sidan moodayana ilaa Jabuuti ayaan la lugayn lahaa.”

Gabadhan yar oo da’deedu tahay 7 sano jir waxay wali ku jirtaa xaalad adag oo caafimaad, waxaanu aabaha dhalay sheegay inaanu awoodayn dhaqaalaha ku baxaya dawaynteeda, isaga sheegay in qaar ka mid ah cusbitaalada gaarka loo leeyahay ay hayaan irbada lagu dawaynayo balse aanu haatan goynayn xaaladiisa dhaqaale darteed.

Oday Allaale Maxamed Cumar waxa uu codsi u dirtay madaxweynaha somaliland, dawladiisa iyo cid kasta oo wax kala qaban karta xaaladan caafimaad ee la soo daristay ilmahan yar isaga oo ka codsaday inay gacan islaamnimo, mid soomaalinimo iyo mid soomaliland-nimo ahba  u fidiyaan oo ay ka soo caawiyaan xaalada caafimaad ee la daristay noqotay inantan yar ee waraabuhu ka cunay.

Oday Allaale ayaa sheegay inaanu awoodayn dawaynta inantan  yar isaga oo xusay in xoolihii kaga dhamaadaan duufaanada ku dhuftay xeebaha somaliland marka laga reebo 14 Neef oo xukuumadu ugu deeqday markii ay gurmadka u fidinaysay.

Cid Kasta Oo Ka Naxaysa ama wax taraysa  Xaalada Oday Allaale Iyo Inantiisa Yar Ee Xaalada Caafimaad La Soo Daristay waxay Kala Xidhiidhi Karaan.

 

 

Telefanka:- 0633655579




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.