Magaalo Ka Tirsan Dalka Maraykanka Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Iyo Sababta Kaliftay


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 14:33:41
Magaalo Ka Tirsan Dalka Maraykanka Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Iyo Sababta Kaliftay

Xaalad deg deg ah ayaa lagaga  dhawaaqay qeybta waqooyi ee gobolka California ka dib markii uu dab xoog badani baabi’yay deegano ku yaallo dhinaca waqooyi.

Saraakiisha dab-damiska gobolka ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay magaalada yar ee Paradise.

Tiro dad ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen dabka hase yeeshee ma cadda wali inta uu leeg yahay  khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay rayidka.

Dabka ayaa gubay dhul gaadhaya 69 oo isku wareeg ah waxaana uu ku qasbay dadka magaalada Paradise in ay ka baxaan.

Saraakiisha ayaa ku warramay in dabka la filayo inuu kusii faafo deegaannada kale ee u dhaw dhaw magaaladan.






style="font-family:tahoma,geneva,sans-serif;">Magaaladan uu dabka aafeeyay ee Paradise ayaa dhacda inta u dhaxeysa bariga Chico iyo waqooyiga Sacramento, waxaana ku noool 26 kun oo qof.

Source:-VOA




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.