Muxuu Daarnaa Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Lagu Sheegay In Ay Kaga Arinsanayaan Isbadelka Siyaasada Koonfur Galbeed


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 22:22:08
Marka Si dhab ah looga bogto Sawirka uu bixinayo ujeedada nuxurka Kulanka ay kali ku ahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho(HWN)-Dadka la Socda Siyaasada  Koonfurta Soomaaliya ayaa aaminsan in Kulanka, Madaxweynaha Dawllada Federaalka Maxamed Cabdilaabi Farmaajo  iyo Gudoomiyihii ay Ku Badeleen Jawhari ee Hogaamiya Baarlamaanka Dalka Soomaaliya uu yahey Mid ka Turjumaya Fariin Sitoos ah ugu Socota hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda Soomaaliya,Maadaama lagu Calaamadiyey Kulanka Wadatashiga ah ee ay kaga arinayaan Isbadelka Siyaasadeed ee ku yimid Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
 
Marka Si dhab ah looga bogto Sawirka uu bixinayo ujeedada nuxurka Kulanka ay kali ku ahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Badelay Jawaari(Gudoomiyihii hore), Waxa uu daaran yahey in Jawaari ahaa albaabkii laga furey in la Is dhaafiyo




Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda iyo Siyaasiyiin hore ula Soo macaamiley Beesha Caalamka iyo Dawlladihii Afrika ee Saameynta ku yeeshay Siyaasada Koonfurta Soomaaliya Labaatan iyo Dheeraadkii Sano ee Lasoo dhaafey Sida Itoobiya,Jabuuti iyo Kuwa kaleba.
 
 
Hadalheynta iyo Falanqaha ku aadanaa Tan iyo Markii uu Iska Casiley Xilka Madaxweyne ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa, aheyd mid si aad ah ay isha ugu Qabteen Guud ahaanba Soomaalidu Maadaama uu Shariif-Sakiin kamid ahaa Ragga mudada dheer kusop dhex jirey Siyaasadii Faragalinta aheyd ee Koonfurta Soomaaliya taas oo ay caqabad u arkeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-Wasaarihiisa Xiligan Kheyre si ay taa uga Gaashaantaana, Waxa ay isku dayeen in ay Alabaabadaa hore oo dhan iska Soo Xidhaan islamarkaana, is Kaba raaciyaan intii Kusoo Caana maashey Nidaamayadaa hore Waana Sababta ugu Weyn ee Xudunta u ah Wakhti Xaadirkan Khilaafka u Dhexeeya Maamul Goboleedyada ka Dhisan Koonfurta Soomaaliya iyo Hogaamiyayaashooda oo la ildaran Qufulka ay Daba Qaateen Maamulka Dawllada Federaalku.
 
 
Sikasta oo ay tahey Waxa Muddo La Saadaalinayey ambabixintii Jawaari,cida ku Xigi Doonta ee ay iyagana is Dhaafin Doonaan Farmaajo iyo Kheyre taas oo lagu aadiyey hadda in Iscasilaadii Shariifku ay dabada ku haysey Qorshaha loo Maleegay ee ah in aaney jirin Waddo Kale oo u Banaaneyd iyadoo la filayo in ay ku Xigi doonaan Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Jubaland iyo Maamul Goboleedka Puntland inkastoo aan laga Warheyn Ka horeyn doona ee Shiishku si adag u Saaran yahey Walow Cabdiwali Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ay Dawllada Federaalku usoo Dhex raacdey Doorashooyinka kusoo aadan Dhawaan.



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.