La Taliyaha Amaniga Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Digniin U Diray Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 14:44:02
La Taliyaha Amaniga Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Digniin U Diray Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay fara galin ay sheegtay in xafiiska qaramada midoobay uu ku hayo siyaasada arimaha gudaha ee soomaaliya.

La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweynaha dawlada federaalka Cabdi Siciid Muuse ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inaanay inaanay dawlada soomaaliya marna aqbalayn fara galin uu xafiiskaasi ku sameeyo siyaasada arimaha gudaha.

Qoraalka uu la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha soomaaliya Cabdi Saciid uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu jawaab u ahaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ka soo saaray doorashada maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.






style="font-family:tahoma,geneva,sans-serif;">Qoraalka la taliyaha ayaa u dhignaa sidan “Ha soo faragelinina siyaasada  arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecada noocan ah ma soo dhaweyneyno”

Qoraalka uu ka jawaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo ee ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa ku saabsanaa in nidaam waafaqsan cadaalad ay ku dhacdo doorashada maamulka Koonfur Galbeed.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.