Wasiir Cabdilahi Abokor Oo Qabyaalad Cad Kula Kacay Shaqaalaha Ka Soo Jeeda Degmada Axmed Dhagax


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 12:43:36
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Wasiirka waasrada gaadiid iyo horuminta jidadka cabdilahi abokor ayaa mudooyinkii dambe aad ugu hawlnaa ku tagri falka awooda sharci iyo nidaamka dawladnimo ka dib markii uu si cad uga hor yimid mareeyaha wadooyin md cisman taas oo ay isku khilaafeen awooda maamul oo uu ku doonayay inuu sida uu doono isticmaalo isaga oo ka faa idaysanaya madaxweywnaha oo ay isku beel yihiin .

Wasiir cabdilaahi abokor waxa uu si cad u hor istaagay in wax ka bedela lagu sameeyo shaqaalaha ka shaqeeya wakaalada wadooyinka ka dib marki xilal laga qaaday agaasimhii maamulka iyo lacagta oo ay isku reer yihiin madaxweyne biixi iyo wasiir abokor taas oo uu hor istaagay wasiirku ka dib markii uu taageero




reeraysan ka helay madaxweynaha wax u suuro gashay inuu hor istaago nimanka ay isku haybta yihiin ee xilalka laga qaaday wasiir abokor waxa uu mareeyaha ugu hanjay isaga oo ah gardaro garab og in uu shaqada ka joojin doono taas oo ku tusaysa inuu hasto awood xaga madaxweynaha ah isla markaan uu u han jabaayo mareeyaha

Wasiir cabdilahi abokor waxa kale oo si cad uga hor yimid in wax xil ah loo magacabo shaqaalaha ka soo jeeda degmada axmed dhagax isaga oo diiday in la dalacsiiyo agaasimihii waaxda gaadiid oo loo madax baneeyay shaqadiisii iyo qaar kale kamida shaqalahaas ka dib markii laga heshiiyay khilaafkii mareeyaha iyo isaga u dhexeeyay taas oo ahayd xubnaha uu magaacay mareeyuhu oo uu wasiirku diiday markii ay isku beel noqdeen Wasiir cabdilaahi abokor agaasmiha xilka laga qaaday mareeyaha iyo wasiirka waxa uu madaxweynuhu ku qasbay inay ka heshiyaan inamada ay isku beesha yihiin ee xilalka laga qaaday si meeshoodii loogu celiyo waanay ku qanceen inay ka heshiiyaaan arinkas walaw aanu sharici ahayn mareeyhuna u arkay mareexaynayn uu madaxweynuhu wado

Ka dib markii lagu heshiiyay mareeyahana lagu qasbay inuu xilalkoodii u daayo imadaas wasiirka aya isku beesha yihiin islama markaas wasiirkuna uga tanaasulo nin ay isku beel yihiin mareeyaha oo isna xil loo magacaabay lkn uu si cad u diiday wasiir cabdilahi abokor in la dalacsiiyo nin ka soo jeeda degmada axmed dhagax uu ku adkastay in aan la dalcsiin waliba shaqada alga bedelo oo la keeno nin u hogaansami kara siduu rabana u la shaqeeya kana amar qaata ninka ay isku beesha yihiin ee inta laga qaaday hadan loo lagu soo celiyay isaga oo awooda madaxwwynaha adeegasanaya iskuna huba wasiir cabdilahi abokor Wasiir cabdilaahi ayaa markii la waydiiya sababta uu diiday in la simao shaqaalaha wakaalada wadooyinka waxa uu ka adkaystay anaiga ayaa diidan taas oo muujinaysa cawada reereed hays sooc oo uu kula kacay shaqaalaha degamada axmed dhagax wasiir abokor wasiir abokor ayaan wali ilaa hada wax jaawaba ah ka bixin arinkaas xub ee qabyaaladu ka muuqato kana baxsan masuuliyada qaranka




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.