Madaxwayne Farmaajo Oo la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka dalkiisa+Qodobadii Ay Ka Wadda hadleen.


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 11:48:05
Madaxwayne Farmaajo Oo la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka dalkiisa+Qodobadii Ay Ka Wadda hadleen.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka labada mas’uul ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay uu jahwareer siyaasadeed ka jiray doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maalintii shalay Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay is casilaadiisa.

 









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.