Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Ka Hadlay Iscasilaadii Uu Sameeyay Madaxwayne Shariif.


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 09:20:58
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida adag udhaliila Dawlada Somaliy ayaa ka hadlay iscasilaada uu shalay sameeyay madaxwaynihii Maamulka Koonfur Galbeed ee Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood, dhaqaale iyo waqti lagu bixiyo si xilka uu kaga tago, maadaama uu si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Waxaa ka horeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble, Taabid Cabdi Maxamed iyo Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in dhamaantood awood dhaqaale iyo ku takri fal hantiyadeed xilka looga qaaday.

 









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.