Shirkad Shaqaalaha Ku Khasabtay In Ay Kaadi Cabbaan Baranbarana Cunaan


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 06:07:20
Sawirro ayaa sidoo kale laga qaaday fariin ay masuuliyiinta shirkaddu ugu goodinayaan shaqaalaha shaqadooda ka soo bixi

Maareeyeyaasha shirkad Shiinaha ku taalla ayaa xabsi la dhigay ka dib markii ay shaqaalahii ku qasbeen in ay cabaan kaadi ayna cunaan baraanbaro iyaga oo ku ciqaabaya in ay awoodi waayeen in ay shaqadooda ka soo bixi waayeen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Booliiska ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii la helay muuqaallo muujinaya shaqaalaha oo suun lala dhacayo oo dareere jaale ahna cabaya.

Qoraallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa sheegay in shaqaalaha loo sheegay in ay cunaan baraanbaro haddii ay xaqiijin waayaan shaqada loo idmaday.

Saddex masuul oo shirkadda ka tirsan ayaa min shan ilaa 10 sano loogu xukumay dhacdadaas, sida uu ku warramay wargeyska Koonfurta Shiinaha ka




soo baxa ee Morning Post.

Muuqaal aad la isula wadaagay oo la soo dhigay barta ay bulshada Shiinuhu ku xiriirto ee Weibo ayaa muujiyay nin shaqaalaha ka mid ah oo bartanka taagan oo suun lala dhacayo.

Shaqaale kale oo la sheegay in ay u shaqeeyaan shirkad guryaha dayactirta oo ku taalla magaalada Guizhou ayaa la arki karaa isyaga oo cabaya dareere jaale ah oo koob caag ah ku jira.

Sawirro ayaa sidoo kale laga qaaday fariin ay masuuliyiinta shirkaddu ugu goodinayaan shaqaalaha shaqadooda ka soo bixi waaya in la cun siin doono baraanbaro.

Warbaahintu waxay sheegtay in noocyada ciqaabta ee kale ee shirkaddu adeegsato ay ka mid yihiin in shaqaalaha la cabsiiyo biyaha suuliga iyo in madaxa laga xiiro.

Shirkadda ayaa la sheegay in ay ku guuldarraysatay in ay bixiso mushahaaraadka shaqaalaha.

Booliiska deegaanka Zunyi ayaa xiray saddex masuul intaas ka dibna xukun xabsi ah ayaa lagu riday.

Waa tallaabadii u dambaysay ee qayrul caadi ah ee shaqaale ka shaqaynaya shirkad Shiinahaha ku taalla lagula kaco, iyadoo arrintaas looga gol leeyahay in lagu ceebeeyo ama lagu dhiirigaliyo.

Shirkaddo hore ayaa lagu eedeeyay in shaqaalaha fareen in midba midka kale uu dhirbaaxo si ay isu dhiirigaliyaan iyo in shaqaaluhu ay ku gurguurtaan wadooyinka dadwaynuhu marayaan ama qashin dhunkadaan iyaga oo lagu ciqaabayo.

Sources: BBC Somali

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.