Durigana Kolay Tahay, Dabiib Adiga Oo Raba, Meelaan Dawoba Ool, Diktorkimuxu Qaban


(Hadhwanaagnews) Wednesday, November 07, 2018 08:22:30
Dagaaladii Baxsadayeen, Durbaanka Loo Garaaco, Loogu Daro Casuumado, Dalkaw Yimida Khasaaraa.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.S.C.W.R.W.B.
Salaan khaas ahna bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaashooda

 

1-DURIGANA KOLAY TAHAY,DABIIB ADIGA OO RABA,

MEELAAN DAWOBA OOL,DIKTORKI MUXU QABAN,

DAD WAXAW AYAAN DARAN,GUDOMIYE DEG/GOBOL,

DARXUMADA AGJOOGEEN,DADKUNA EEGANAAYAAN.

 

2-DURUUFAHA LA QABA,E,DADKU MADAX U HAYSTAN,

DAALAA DHACOODAAS,DAASADNAW BIYEYN KARIN,

DERAJADA U HAYSTEE,DUCO QABE ISMOODEEDEE,



font-family: "Agency FB",sans-serif;">DANYARTO HABAARTIYO,DENBIGUUN KA KORODHSADA.

 

3-KAANA WAXA KA SII DARAN,QURBOJOOGA SOO DEGAY,

  DALXIISNIMO U YIMIDEE,DIBIRADA DHACSANAYEE,

DAGAALADII BAXSADAYEEN,DURBAANKA LOO GARAACO,

LOOGU DARO CASUUMADO,DALKAW YIMIDA KHASAARAA.

 

4-DOOLARKA GOORU MADHIYANA,DOONANAYA MADAXNIMO,

  DALKA UU KU BOOBEE,DOORKAN WAA KA XAARAAN,

DACARIYO SUN LAGU DARAY,DEBNAA SAARI MAAYAAN,

DAARADAA WAXAA TUBAN,KUWII U SOO DAGAALAMAY.

 

5-DAMIIR HADDII AYDIN LEEDIIN,DULBUUXISKA KA DAAYO,

DALKA MAALGASHADA OO,DA’YARTIINAN KAABOO,

KA DULQAAD CULAYSKOO,U DAMQOO MA GARATADA,

SIXIR BARARKU DAASHADAY,DARANA AY TAHRIIBEEN.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.