Shaqaalaha Mashruuca Xaalada Degdeg ah Ee Hay’adda HAVAYOCO Oo Soo Kormeeray 50 Dugsi Oo Ka Faa’iidaystay Mashruucaas


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 17:43:51
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Shaqalaha mashruuca waxbarashadda xaladda degdeg ah ee haay’adda HAVOYOCO ayaa kormeer ku soo sameeyay 50 dugsi oo ah kuwa ka faa’idaysanaya mashruucana kuna kala yaal deegaanadda kala ah Caynaba,Burco,Ceel-afweyn iyo laascaanood.

Dugsiyada ayaa ahaa qaar si habsami ah u socotay waxbarashadu, gudiyadda waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyada ayaa ah qaar si wanaagsan u fahansan mashruucan taasina waxay keentay in lacagtii hore ee loo diray ay kaga shaqeeyeen meelihii ay idhaahdeen waxbaanu kaga qabanaynaa ee ahaa baahiyihii ugu muhiimsanaa.

Dugisyadda qaar ayaa dhistay fasalo cusub halka qaar kale dhisteen berkado, qaar kale ayaa soo iibsaday taangi biyoodyo, halka qaar ku dayactireen dugsiga dhismihiisa, waxa xusid mudan in dugsiyada uga faa’idayasteen mashruucan in ka dhistaan xafiis




uu fadhiisto maamulka dugsiga, halka dugsiyo kale dhisteen meel ay ku xafidaan buugta iyo agabka kale ee dugsiga oo waxay dhisteen store.

Dadka ku dhaqan deegaanadan ka faa’idaystay mashruucan ayaa aad ugu riyaaqay mashruucan kuna tilmaamay mid aanay noociisa hore u arag.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.