hase yeeshee waa Awoodaha ilaahay u galiyo Addoomahiisa waana mid jirtay waagaa, arimaha waxa iiga sheekeeyay Nin waayeel ah oo aan maalin dhawayd kula kulmay Goob maqaaxi ah oo ku taala gudaha suuqa Hargeyaa aniga iyo rag kale.
Heeso badan oo waxa jira Jacayl ah oo uu ku xusan yahay magaca "Dhambaal wadde" intan ka xasuusto waxa kamid ah Hees ay wada qaadaan Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Saynab Cige " Dheereeyahiibaan kuu dhiibayayo dhawaaqa gaadhsii, "Mahad sanid Dhambaal wadde".
Waxa isna jiray oo la sheegaa Ismaciil aw Da'uud oo ahaa Nin Ciidagale ah oo Abokor muuse ah, wa ninka Waraabe eryaday ee Afarta jihaba intuu uga cararay kasoo celiyay!.
Soomaalidii hore awoodda ilaahay galiyay iyo quwaddooda waxa jiri jiray Rag haddii ay Cararaan goob cidla ah oo ban ah aan istaagi karin ilaa ay Geed qabsadaan oo ay isku celiyaan Xawaaraha iyo awooddda orodka ay ku socdaan awgeed!. Maanta maxaad u malayn ninka ugu dheereeya lugta ilaa halkuu gaadhi karaa?.
Dhambaal wadde.
Waxa qoray: M M S.
*********************************************************************
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga