Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waaggii todobaatanaadkii ee ay socotay silsiladdii siinlaydu , ayaa mar ay wada hadlayeen hadraawi iyo cabdiqays ayuu hadraawi tiriyey maanso ay ka mid ahaayeen baydadkani
Cabdiyoow ka saan wayn
Saabkaad u gelisoo
Sinta waxay ku haysaa ,
Subulaha galbeedoo ,
Ninka saylac joogaa
Sanqadheeda mooyee
Ma yaqaan sirteedee
Dabeeto cabdiqays oo la yaabay ninkii hadraawi ee lahaa soomali wayn baan isla raadinaya waxa maansadiisa ku soo celiyay subulaha ooh buuero yaryar oo wajaale hawd kagga beegan ayaa ugu jawabay ,
Waxaan
sugayay sheekada
Inaad Sarre u qaado
Soohdintii galbeed iyo
Iimay la socotee
Subulaha na waa maxay
Suulkaaba gaadhee .
Imika waa halkaase , kulmiye waxaa inoogu war danbaysay horaa loo soconayaa. Wasiir sacad na aqoonsigii oo uu soo walwaalo ayaynu ka filaynay , hadiise hore u socodkii kulmiye iyo baadidonkii sacad isugu biyo shubteen shirkii grand haadi wuxuunaynu leenahay ,siddii cabdiqays
Horre socosho dunidiyo
Hoyga Washington iyo
Hindiyaan ka filaynee
Grand haddi waa maxay
Hadalkaaba gaadhee ? .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
*********************************************************************
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga