Milicisigii Taariikhda Gaashaamo bari…W/Q Jaalle Saahid Faray


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 12:41:33
Milicisigii Taariikhda Gaashaamo bari…W/Q Jaalle Saahid Faray

Hillaadu markey aheyd 25.5.1969 , Ayaa loo magacaabey Magaalada Gaashaamo degmo buuxda , Waana cahdigii uu Xayla Salaase Xukunka hayey.

Guddoomiyeyaasha degmadda loo soo magacaabi waxey u badnaayeen xabashi, Cahdigii Xayla salaase. 
Waxaanaugu ugu Magac dheeraa Dambaqa iyo Girime.

Sidoo kale waxa degmadda ku yaaley Talisyo Ciidan oo ilaa wardheer iyo meelo kaleba looga taliyo.
••••••••••••••

Hillaadu markey aheyd 12.03.1989 Waxaa degmadda Gaashaamo Bari loo magaabey gobolnimo buuxda.
Gobolnimadaana waxaa loo magacaabey Xilligii Taliskii dhergiga ee Mingistu hayla Maryam.

Waxaa loo soo magaacaabey URAAJE oo macnihiisu yahey Guddoomiye Gobol amaba Badhasaab, kana soo jeeday degmada xarshin , Mudane : Maxamuud Yuusuf.




/> Cumar idiris nin lagu magacaabo Iyo Ababa Rate oo Xabashi ah ayaa iyana xilal sare looga magacaabey gobolka Misrak Gaashaamo amaba Gaashaamo bari.

Muddo ku dhawaad seddex sanno oo bilo dhimman bey gobol buuxa Aheyd Gaashaamo bari.

Ka dib markii xilka laga tuurey taliskii dhergiga ,uu hoggaaminayay Mingiste 1991 ee ay yahadhiigii la wareegeen talada, ka dibna way diideen Gobolnimada Gaashaamo bari iyo gobolo kaleba.
Isla sannadkii 1991 Waxaa Gaashaamo bari reefas loogu celiyay degmonimadii ay kasoo gudubtey waa hore .

Guddoomiyihii Koowaad ee loo soo Magacaabeyna ka dib markii Degmo lagu celiyay gobolnimadiinna laga xayuubiyay waxa uu ahaa Mudane : Geelle Cawil Jaamac.
Degmada Gaashaamo bari waagii hore waxey hoos tagi jirtey Gobolka Faafan, ee Caasimadiisu tahey Jigjiga. waa danbe ayaa lagu soo darey Gobolka Jarar , ee Caasimadiisu tahey Dhagaxbuur.

La soco.......
La wadaag

Qore: Jaalle Saahid Faray

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.