Waa Bakayle Qaladkii, Haddaanay Baroba Dheerayn


(Hadhwanaagnews) Tuesday, October 09, 2018 13:51:58
Bilaash Weeye Hadalkaasiyoo, Waa Bar Kuma Taale, Baandheeya Sheekadan Ma Jiro, Maal La Bixiyaaye.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

SHIR BEELEED KU BAAQAYIYO,BAAYAC KHARASH DOONKA,

BUSAARADAA KA YIIDHSIINAYSIYO,BOORSADAAS XIDHANE,

BILAASH WEEYE HADALKAASIYOO,WAA BAR KUMA TAALE,

BAANDHEEYA SHEEKADAN MA JIRO,MAAL LA BIXIYAAYE.

 

BAKHTIGAY XALAAL NOO AHAA,TOBAN BILOOD MAANTA,

BAASHIHII SIDUU NOOGA TEGAY,MEEL UMMAAN BIXINE,

BEYSTEYNA URURURKII MA JARO,BIIC MARKAAN




IDHIYE,

BAADHBAADHADBAA NOOGU JIRAY,DUULKA SOO BAXA.

 

BADAHII LA IIBSHIYO,DHULKII CARABTA LOO BAAHSHAY,

BUDHCADII HORAA QAADATOON,BAAQI NOO DHIGGINE,

BUURO IYO HADDAAN DHAX LAHAYN,BAABAH OO MADHAY,

BEERIHIYO QODAALKII HADDAY,DIB UGU BAAHDEEN.

 

BIR XADIIDA BAAD NAGU XIDHOON,BAALNA LAGA DHAAFIN,

BIYO MA LEH BARIISIYO LAXOOX,KOLAY BIGAYSKII TAY,

DADKUUN BAAN U BOOYAA,ANIGU WAAN KA BAXAYAYE,

WAA BAKAYLE QALADKII,HADDAANAY BAROBA DHEERAYN.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.