Wasiirka Gaadiidka Oo Leexiyay Saami-qaybsigii Wasaaradda


(Hadhwanaagnews) Tuesday, October 09, 2018 13:49:03
Wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddiisa Cumar Cabdillaahi Aadan ku dirqiyay in

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa dhalan-geddiyay qaab-dhismeedkii wasaaradda uu madax ka yahay, waxaanu burburiyay saami-qaybsiga agaasime-waaxeedyada xaruntiisa

Madaxa liisamada

Agaasimaha Hab-maamuuska

Agaasimaha Shaqaalaha

Agaasime-ku-xigeenka Shaqaalaha

Madaxa geerashka gaadiidka (MT)

Wasiirka ayaa agaasimaha waaxda liisamada oo uu adeer u yahay madaxa khasnadda shaqaalaha ee wakhtiga dheeraadka ah (Overtime) si uu ugu qasnado lacagta hawl-wadeennada. Waxa ay hawl-wadeennadu werwer ka qabaan in ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin ee saacadaha dheeriga ah. Tallaabadan waxa ka biyo-diiday shaqaalaha wasaaradda. Wasiir Cabdillaahi Abokor ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddiisa Cumar Cabdillaahi Aadan




ku dirqiyay in uu xilkaas u magacaabo gabadha uu adeerka u yahay. Maanta oo Salaasa 9ka Oktoobar 2018ka ayuu soo baxay goaankan kala fogeeyay shaqaalaha wasaaraddu.

Iyada oo guud ahaan ummadda Somaliland khaati ka taagan tahay maroorka xilalka dawladda ayuu masuulkani gebi ahaan buriyay caddaaladdii uu kitaabka gacanta ku saaray. Lama oga in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu raalli ka yahay tagri-falka noocan ah ee uu dhaqanka ka dhigtay Cabdillaahi Abokor Cismaan.

[email protected]

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.