Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Oo Aabihii Hargeysa Ku Geeriyooday


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2018 21:23:53
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Oo Aabihii Hargeysa Ku Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE

 

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Caydiid Warsame oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 14/09/2018, Magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo uu aabihii ahaa Marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka,




waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

-- 

 
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.