Wargeyska Washington Post Oo Soo Bandhigay Caqadaha Raysal Wasaaraha Itoobiya Ka Wajahayo Hir Gelinta Nidaamka Dimuqraadiyadeed


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2018 15:58:09
Wargeyska Washington Post Oo Soo Bandhigay Caqadaha Raysal Wasaaraha Itoobiya Ka Wajahayo Hir Gelinta Nidaamka Dimuqraadiyadeed

Hargeysa(HWN):-Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ayaa wax ka qoray nidaamka dimuqraadiyadeed ee ifafaalihiisu ka soo muuqdo dalka Itoobiya.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu xusay in dagaalo sanado badan socday  iyo kacdoono siyaasadeed ka dib ay xukuumadii Hailemariam Desalegn ay soo jeedisay inay diyaar u tahay in ay wax ka badasho nidaamka doorashooyinka si ay u muujiso doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay sida uu ku yimid raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr. Abiy Ahmed , iyada oo lagu xusay in xukuumadii Hailemariam Desalegn xabsiyada ka sii daysay maxaabiis siyaasada u xidhnaa balse ay kacdoonadu dagi




waayeen taas oo keentay in ugu dambayn uu is casilo raysal wasaare Hailemariam Desalegn.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xisbiga haya talada dalkaasi ee EPRDF ay doorteen masuul ka soo jeeda dadkii dibad baxa samaynayey, taas oo horseeda in markii ugu horaysay taariikhda dalka Itoobiya uu raysal wasaare ka noqdo masuul ka soo jeeda qoomiyada oromadu.

Wargeyska ayaa sheegay in markii uu raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed uu tagay wadanka Maraykanka uu kumanaan Itoobiyaan u sheegay in hadafka ugu weyn ee uu leeyahay ay tahay in wadanka ay ka dhacaan doorashooyin dimuqraadi ahi.

Sidoo kale wargeyska ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan in raysal wasaare Abiy uu nidaam dimuqraadiyadeed ka hir geliyo wadanka Itoobiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin iyada oo dawlada Itoobiya mudo dheer ka shaqaynaysay inay doorashooyin xor iyo xalaali ahi dhacaan balse aanay hir gelin, xeerarka Itoobiya oo xadidaya ururada bulshada iyo ururada u dooda xuquuqda hadalka,  xubnaha ku jira xisbiga talada haya oo ay ka maqan yihiin mucaaridku, dhiiri gelinta xisbiyada mucaaridka ah  iyo qodobo kale.

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Qodobada Kale Iyo Warbixinta Oo Dhamaystiran




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.