Madaxweynihii Hore Ee Botswana Festus Mogae Oo Soo Bandhigay Doorkii Uu Ku Lahaa Heshiiska Ay Gaadheen Dhinacyada Koonfurta Suudaan


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2018 15:26:12
Madaxweynihii Hore Ee Botswana Festus Mogae Oo Soo Bandhigay Doorkii Uu Ku Lahaa Heshiiska Ay Gaadheen Dhinacyada Koonfurta Suudaan

Addis Ababa(HWN):-Dhinacyadii dagaalku ka dhaxeeyey ee wadanka Koonfurta Suudaan ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Addis ee wadanka Itoobiya.

Dhinacyada isku hayey siyaasada dalka Koonfurta Suudaan ayaa heshiiskan ku saxeexay shir aan caadi ahayn oo hal maalin qaatay kaas oo ay iskugu yimaadeen madaxda urur goboleedka IGAD.

Gudoomiyaha daba galka iyo qiimaynta xaalada dalka Koonfurta Suudaan heshiisyada nabada isla markaana ah madaxweynihii hore ee Botswana Festus Mogae oo ka hadlay heshiiska ay saxeexeen dhinacyada isku hayey siyaasada dalka koonfurta Suudaan waxaanu yidhi “Habkii nabada loogu raadinayey wadanka Koonfurta Suudaan ee ka dhacayey magaalooyin kala duwan oo gobolka ah kaas oo la kulmay caqabado




badan hada waa uu soo dhamaaday  waxaanan soo gaadhay meel ay dhinacyadii is hayey ay saxeexayaan heshiiska kama dambaysta ah.”

Madaxweynihii hore ee dalka Botswana Festus Mogae ayaa tan iyo wakhtigii la bilaabay wada hadalada dhinacyada isku haya dalka koonfurta Suudaan oo beegnayd sanadkii 2015 waxa uu dedaal galinayey inuu korka kala socdo qaabka loo fulinayo heshiisyada la kala saxeexday.

Dhinacyada iskaga soo horjeeday awooda dalka Koonfurta Suudaan ayaa bishii August ee sanadkii 2015 saxeexay heshiis ay cadaadis ku saartay qaramada midoobay kaas oo horseeday in loo midoobo dhisida dawlada koonfurta Suudaan oo cagaha loo taagay bishii April ee sanadkii 2016 balse dagaalada ayaa dib uga bilaabmay wadankaasi bishii July ee isla sanadkii 2016.

Madaxweynihii hore ee dalka Botswana Festus Mogae ayaa haatan soo bandhigaya sida uu u arko gabagabada heshiiska labada dhinac ee isku hayey koonfurta Suudaan “Maanta waxaanu soo gaba gabaynay heshiisyo nabadeed, hadii heshiiskan la fuliyana waxa uu balanqaadayaa daganaansho iyo xasilooni ka hana qaada dalka koonfurta Suudaan”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dardaaran adag u jeediyey hogaamiyeyaasha koonfurta Suudaan “ waa rajo aad u wanaagsan in heshiiska dib loo cusboonaysiinayo laga filayo inuu deganaansho u keeno jamhuuriyada koonfurta Suudan, waxaanan ka codsanayaa walaalahayga Koonfurta Suudaan gaar ahaan hogaamiyeyaasha inay ka faa,iidaystaan fursadan oo ay dhawraan heshiiska.”

 

Halkan Guji Si Aad Uga Bogato Warkaas 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.