Uf Qabiilka Aad Tidhi. Hadduu Adiga Kuu Uray. Rag Ku Uunsadaa Jira. By Ahmed Jama


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2018 09:37:22
Qabyaaladu waa hooyada dagaalka, mar haduu bilaabmo ay adagtahay in la joojiyaa waana cudurka ugu xun ee ku dhaca qof ama Ummad burburiyana.

 

Somalidu waxay ku maah maahadaa. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran) fashilkii iyo qabyaaladii maayar maydhane oo borama la degtey

  Qabyaaladu waa ta kala gaysa laba qof oo saaxiibo ah kuna kalifta inuu midba midka kale dabar gooyo wanaagoodiina u badasha xumaan.

Maayar maydhane waa ninka yidhi buur dusheed oo ku taaala magaalada borama waxaa iska leh dad isagoo xaga qabyaalada ka eegaaya arinta laakiin aan ka eegeyn xaga sharciga.



"sans-serif";">Qabyaaladu waa hooyada dagaalka, mar haduu bilaabmo ay adagtahay in la joojiyaa waana cudurka ugu xun ee ku dhaca qof ama Ummad burburiyana.

Maayar maydhane waxaa ku dhacay cudur qabyaladeed oo aan daawo lahayn,runtii degmda borama wuxuu ka dhigey hogeyga

Qabyaalada waa hoyga lagu barbaariyo Kala jabka, is nacaybka umada reer borama...

Qabyaaladu waa ta kala fogaysa qofaad isku mabda’a ahaydeen oo aad wax badan wada qabsan lahaydeen.maayar maydhane waa ninka meel fagaaro ah ku aflagaadeeya madaxda ugu sareeya dalka JSL iyo marwooyinkoodaba...

Qabyaaladu waa shiidaalka ay ku tamariyaan dadka ah sida maayar maydhane oo wax walba ka istaagaaya dhinaca reernimada ee aan ka eegeyn dhinaca dawladnimada..

Qabyaaladu waa ta ku faraysa inaad gawracdo ehelka hooyadaa ama se inaabtiyaashaa iyo tolkaaba.

Qabyaalada maayar maydhane waa ta kala disha Ummad isku xidhan oo Is jecel waxna wada qabsan lahayd.

Qabyaalada maayar maydhane waa taa ka dhigtey qof qabiil ee u diidaysa inuu noqoto qof Qaran.

Qabyaalada maayar maydhane waa taa wadata jaahilnimo, indho la’aan, Caqli xumo, Iimaan darro, iyo Dadnimo la’aan...

Qabyaalada maayar maydhane waa ta dhulka banaan ee dadka qaarnale waa dan guud.

 buuraha dushoodana leh dan guud maaha bal amuurtan eega markan iyo yaabkan. Qabyaalada maayar maydhane waa ta ku leh dadka diida godka qashinka ,ee galbeedka magaalada borama la rabey in laga sameeyo ee uu ku kicinaayo reeraha ma ninkaas ayaa maayar u ahaankara magaalada Borama???

(1.)Waxa keena qabyaalad oo abuura nin doonaya inuu fushado dan gaar ah sida maayarka magaalada borama Mr. maydhane oo noqdey ninkii ugu xumaa uguna qabyaalada badnaa ee abid soomara degmada borama kaas oo aan kaligii istaagi Karin ama aan wax qabsan Karin, sameeyana hadiyo jeer inuu reeraha soo kiciyo si uu halkaas xumaatadii iyo kala fogeyntii u sii wado iyo propaganda reer hebelbaa ineceb iyo reer hebelbaa ka dambeeya si uu ugu qariyo dhooqada u kujiro isagu...

(2)GAARIYOW MA IISHOW.UF QABIILKA AAD TIDHI.HADDUU ADIGA KUU URAY.RAG KU UUNSADAA JIRA.

 By Ahmed jama

[email protected]

Paris France

 

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.