Qabri Wuxu Ku Dumay Kuu, Qaan Ku Yeesho Calan-Kuye ( Abdi-Shotaly)!


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 06:37:09
ku qadhaabta beenlaw, dhuunta miday u qooyeen, qoraxdii timaadaba, hortii-nuun quturan, oo qawlaadu ay weyn-yiin, bal maxaad

 

Saaka waxan idiin soo qadimayaa, qaabka ay Somaliland ugu shaqaystaan, labadan askari iyo inta hoos timaadaa, ee qaxar iyo dhibaato kula dhex jira shicibka, wax la qariyo dudhun baa ku jira, bay somalidu tidhaahaaye, kuwan markii cadkii inaga laasteen, lafihiina ay haadda u tuureen si ay feentaan, qanjidhkii soo hadhay u gacan geliyey, waxa ay ugu yeedhaan Somaliya, naf-toodda mooyee aan cid dan ka lahayn, baan maanta halkan




ku qaadaa-dhigayaa, xukunal-qarqooshka ay futayna-yaan, aniga uu kuugu sharaxi doona maanso gaaban, markaa runtu beenta waw cadawe, oo q
aadirkaa ina yidhi " runta ha ka baqanina xataa haddii ay mur ka qadhaadhahay,  oo yidhi xaqiiq-da ama waaqiciga ku dhinta, qalad-kana ha qarinina, qabta tuugta ummaddii, inta ay qudh-qudhi-yeen, ku qadhaabta beenlaw, dhuunta miday u qooyeen, qoraxdii timaadaba, hortii-nuun quturan, oo qawlaadu ay weyn-yiin, bal maxaad u qarisaan qawlaysatadan, wixii aad u soo dhimateen mija-xaabiyey, tixdiina waa tane ku soo dhawaadda:-

 

Askar yahay war iga qora, qiiq baa ad kiciseen,

Waxan meesha qabaniyo, la qalaade beenoo,

Qaranimo dhegteed dilay, waad is qaawisee-noo!

Wanaag qoorta goysoo,qudhun baad walaaqdeen,

Qabiil iyo wixii jecel, qashin-kaad wadaagtaan,
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
Yaa qaranku eersaday?, qaloocaase yaa dhigay?,
Ku qamaamay xumahoo, kala qaybshay ummaddii?,
Saw-taan qabyaaladda, qudha aan ka gooyee,
Qurub-qurub u kala jaray, Xusbiyadda qotominee,
Dadku wadda qoslaayeen, aanu kala qaloon jirin.
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?,
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
Qurux-deedda nabadiyo, qiima- heedda gobanimo,
Loo wadda qushuucee, quudkoo la wadda cuno,
Is leekaanta qaybaha, nina aanu qadi jirin!
Qoorta yeysu geliyoo, is qaniinshay shicibkii?,
Qol-qoladda ku kala xidhay, is qab-dhaafkan yaa dhigay
 
Qaataye ha sheegina,? ma mucaarid baa qoray?
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
Kolay tahay quwaax geed, aynu wadda qalaynee,
Dadku wadda qadayntiyo, qaxar li'i u joogeen,
Idil wadda qaxwayntiyo, Qadhiidh loo sinaadiyo,
Dawladnimo qumaatiya, qoragoo la wadda dhamo,
loo furey Qasnadahee, ka bogsanay  qilaafkii,
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?,
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
Qadaw iyo kulayl iyo, waxaas oo qumbacasho ah,
Qabiil baarka loo fidhay, qoys-qoys u kala baxay,
Maamul qaylo dhaantii, qol-qoladda ordaysoo,
Loo qiil baneeyoo, Qadhaab raadsi dufan-leef, 
Wax qasaaya baa badan, loo diray qaloocuun.
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?,
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 

 Mid qabiil ku dhaatoo, qaybtana suldaanimo,
Magac qolo ku ceeshoo, loo qooyey dhuuntaa,
Qaribaaya ummadoo, musuq-maasaq qariyee,
Qaadiraw allahayaw, kan qaraaray dhereggii,
Qar-qaradu ay naaxeen, qawlaladda ka soo qabo.
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?,
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
Qasab taladu maahiyo, qawl-kayga uun maqal
Umaddii qatawdoo, wa taa qaylinaysoo,
Qar-qarkay xabaashii, badankii dul quban-yiin,
Qayd lagu kanfaan jirin, isma-qabato daalina,
Waxooddii qudh-qudhiyoo, dagaal adag ku qaadoo,
Qaraxay ku madhiyeen, quudkii la cuni la cuni jirey.
 
Qaataye ha sheegina, ma mucaarid baa qoray?,
Sawkan qaydka saareen, Qarsanayso askartii,
Qushi loo fasaxayee, nina aanu qabanayn, 
 
 
Qasab taladu maahee, nin-kaan lagala maarmayn, murti-deedda, waydii, ha qalin daarine.
Qabri wuxu ku dumay kuu, qaan ku yeesho calan-kuye, qayladda dad muumini, dhayal uma qarsoontoo, qadhaadh yimi macaankii, quudsadaa xasuustee, nin agoon ku xaday qalin, qayr kama macaashoo, xaqu in aanu qaran jabin, quraankaa cadeeyo, dadkan qaybti kii cunay, bay ku maqantay, qaaniye, wakhti ay ku qaraxda-ba, qaaxo kama fogaatoo, shibciyadda quruumuu, qadarkay ururiyeen, kuwa qaydka saartee, u qortay caruurtaw, illaahay wuxuu qoray baajin waa quraankuye, ninkii qaraf ku leexdaw, daayin baa ku soo qaban, adoo xumbadda qubayoo, cudur kugu qaloocsamay, qiil aad ku baxsataana, qarniga-ba aanu oolayn, baa qiyaamuhu kugu iman, qurub-qurub laguu jari. oo qaaq leh, baad dhiman.
 

N.B:- ls Qab Dhaafkan Yaa Dhigay, Oo Qaranku Eersaday?


Qore:- Dr A.j.Ahmed

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.