Madaxweynaha JSL Oo Tacsi U Direy Qoyskii iyo Qaraabaddii Uu Ka Baxey Marxuum Jaamac Nuur Xasan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 12, 2018 22:11:17
Inaalilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/09/2018, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka oo uu ka mid ahaa dadkii wakhtiga geliyey midnimada iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay ku nool yihiin.



1.5; color: rgb(0, 0, 0);"> Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

 

Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa Waxa uu Ka mid ahaa Ganacsatadii Ka Qeyb Qaadatey Doorka Dhismaha Somaliland Nabadaynta Dib u heshiisiinta iyo Halgankii SNM Waxa uu Ku Dhashey Sanadii 1945kii Degmada Tog-Wajaale Waxaanu kamid ahaa Ganacsatadii ka hanaqaadey Tog-Wajaale iyo Alleybadey Sanadihii Toddobaatanaadkii, Ganacsigii Xoolaha iyo Bucsharadaha kala duwan isagoo isla Sanadahaa usoo Wareegay Caasimada Hargeysa oo uu Kamid noqdey Ganacsatadii ugu Dhaqdhaqaaqa Roonaa Wakhtiyadaa uguna aaminsanaa Ilaa Sanadihii 1988kii Xiligaas oo Dawlladii Milatariga aheyd ee Siyaad Barre oo marar badan oo Hore taxaabtey Sida Sanadihii 1984kii ilaa 1985kii Wakhtigaas oo ku Beegnayd Dagaalkii Ay Ururka SNM kusoo galeen Buuraha Silsilada Golis inkastoo lasii daayay islamarkaana, uu ka badbaadey Xadhigyadaa hore Waxa ay Mar kale Dawlladii Milatarigu u Taxaabtey Xabsiga Mandheera Maalmo ka hor Wakhtigii Xoogaga SNM soo galeen Magaalada Burco haseyeeshee, mar kale ka badbaadey Xadhigaas oo isaga iyo Ganacsato kale Loogu xukumey Dil Toogasho ah Iyaddoo lagu eedeeyay in ay Sitoos ah U taakuleeyaan ulana Xidhiidhaan Ururkii SNM Waxaana Xabsigaasi ka jabiyey Ciidamo uu watey Mujaahid Maxamed Cali Faarax oo ku magac dheeraa(Maxamed-Cali).

 

 

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa Tan iyo intii ka Dambeysay Markii uu ka badbaadey Xabsigaa uu Dilka ugu xukunaa Waxa uu Doorkiisa Odeynimo iyo Doorkiisa Dhaqaale kaalin Mug iyo Miisaan leh kaga soo qeyb qaadatey Qeybihii Dambe ee Halgankii Dib u Xoreynta SNM oo uu naf iyo Muruq iyo Maalba u hurey, Waxaanu Kamid ahaa Odoyaashii Bud-dhiga u ahaa Xisbiga Kulmiye Doorashooyinkii kala Duwanaa ee dalka kasoo qabsoomay Wakhtiyadii Madaxweyne Siilaanyo u tartamayay Kursiga Talada Dalka ee Laba Doorasho Madaxtooyo 2003dii ilaa 2009kii Oo uu qeyb kasoo noqdey Taageeradii Gobolka Gabiley uu Xiligaa ka helay Siilaanyo isagoo marxuunku ku Xidhiidhin jirey.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.