Dawlada Ruushku Maxay Ka Tidhi Xidhiidh Ay Mustaqbalka La Sii Yeelan Doonto Maraykanka?


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 19:10:12
Dawlada Ruushku Maxay Ka Tidhi Xidhiidh Ay Mustaqbalka La Sii Yeelan Doonto Maraykanka?

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xidhiidha  sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keenayso horu maradii laga sameeyay wada hadalladii dhex maray madaxda labada dal.

Dmitry Peskov, afhayeenka Aqalka Kremiling ee Ruushka looga arrimiyo oo warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in go'aanka noocan oo kale ah oo ay Mareykanku qaadaan uu yahay mid saaxiibtininmada labada dal xumeynaya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cuna-qabeyntan cusub ku dhawaaqdey Arbacadi, iyada oo ku micneysay inay jawaab u tahay weerarkii sumeynta ahaa ee lagula kacay Sergey Skripal oo 66 jir




ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah, kuwaas oo lagu sameeyay dalka Britain bishii March ee sanadkan.

 

 

Source:-VOA




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.