Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Hindiya Oo Ku Labistay Dharkii Hitler, Maxaase Ku Kalifay?


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 18:31:41
Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Hindiya Oo Ku Labistay Dharkii Hitler, Maxaase Ku Kalifay?

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaanka dalkaasi  isaga oo xidhan dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.

Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay in uu sidan u sameeyay si uu cabasho ugu  muujiyo balamo uu qaaday Ra'isulwasaare Narendra Modi oo aanu  fulinin.

Ma aha markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo inuu soo gashado dhar kala duwan si uu u muujiyo cabasho.

Mararka hore ayuu soo xidhay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dhar dumar.

"Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka




ku kalifto in ay fikiraan" ayuu xildhibaanka u sheegay wariyaha BBC-da Ravi Shankar.

Ninkan oo hore u ahaan jirey atoore aflaamta jila ayaa ka soo galay gobolka Andhra Pradesh, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga gobolkaas maamula ee TDP.

Xildhibaan Naramalli ayaa ka cabanayay arrin ku saabsan in gobolka Andhra Pradesh la siiyo meeqaam gaar ah, kaas oo kordhin lahaa dhaqaalaha dowladda dhexe ay siiso gobolkaas.

Xisbiga uu ka tirsanyahay xildhibaankan ee TDP ayaa ku jiray isbahaysiga Mr Modi, balse sanadkan horaantiisii ayay iskaga baxeen.

Markii la weeydiiyay sababta uu u soo xidhay dharka Hitler ayuu ku jawaabay "Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka", hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra'isulwasaare Modi.

Dharka Hitler waa mid caan ka ah dalka Hindiya, waxaana jecel dhalinyaro tiro badan, iyada oo xitaa buuggii uu qoray ee Mein Kampf si weyn loo iibsado.

Sanadkan horaantiisii ayaa waxaaba soo baxay buug carruurta ah oo lagu soo sawiray Hitler, arrintaas oo ka cadhaysiisay Yuhuudda.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay ficilada xildhibaanka, iyaga oo qaarkood ay dhaleeceeyeen, kuwa kalena ay ku maadsadeen.

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.