Shaqaale caafimaad oo lagu afduubtay Gobolka Bay


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 11:11:37
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in laba qof oo ka tirsan caafimaadka lagu afduubay duleedka magaalada Baydhabo.
 
Warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in labadaas qof oo wiil iyo gabadh ah ay u shaqaynayeen hay'adda bisha cas.
 
Sida ay sheegayaan dad deegaanka ku sugan oo aan la xiriirnay waxay intaa ku dareen in labadaas qof lala qafaashay darawalkoodii.
 
Afduubka ayaa ka dhacay deegaanka Misgaale oo 18 KM dhinaca koofureed ka xiga magaalada baydhabo.
 
Ilaa hadda lama oga sababta afduubka, cidda ka dambaysay, iyo halka lala aaday.
bbcsomali








©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.