Sababta Aynu Ujecelnahay Saxansaxada Roobka.


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 06:54:39
Jacaylka ay u qabaan ayaa maskaxdooda ku abuuray in ay farxad iyo raynrayn dareento marka ay urtaasi soo gaadho

Hargeysa (HWN)- Saynisyahannada qaar ayaa aaminsan in dadku tan iyo bilowgii abuurkooda ay soo kala dhaxlayeen jacaylka urta roobka ama laydha roobka hortii iyo dhexdiisaba soo dhaca ee Saxansaxada loo yaqaanno. Sida la ogyahay dadkii hore noloshoodu si ka badan si imika jirta ayaa ay ugu tiirsanayd roobka oo saamayn ku lahaa dhirta ay cunayaan iyo xayawaannada kala duwan ee ay ugaadhsanayaanba.

Ku tirsanaanta ay noloshoodu ku tiirsanayd roobku waxa ay dadkaas ku abuurtay jacayl gaar ah oo ay u qabaan neecawda urta ugdoon leh ee la dareemo xilliga roobka iyo horteed. Jacaylka ay u qabaan ayaa maskaxdooda ku abuuray in ay farxad iyo raynrayn dareento marka ay urtaasi soo gaadho. Dareenkaas ayaa noqday qayb




ka mid ah dareennada uu jiilba jiil u sii gudbiyey

Urta roobka mid ka mid ka mid ahi waa ta la dareemo marka uu socdo da’itaanka roobku, gaar ahaan marka muddo dheer oo abaar ah lagu soo jiray.

Urtani waxa ay ka dhalataa isla falgalka kiimikaad oo dhowr ah.

    Dhirta qaar ayaa muddada abaarta waxa ay soo deysaa saliido kala duwan, kaddib marka uu roobku bilowdo ayaa urta saliidahaasi ay hawada soo raacdaa.

    Dhulka marka ay dhibicda roobku ku da’do waxa uu soo daayaa maaddooyin kiimikaad oo ka dhasha bakteeriyada ku nool ciidda dhexdeeda oo loo yaqaanno Actinobacteria, iskudhisyadaas kiimikaad ayaa soo saara ur iskudhafan oo udgoon samaysa.

Waxaa jirta ur kale oo iyadana xilligaroobka la dareemo. Waxa ay la xidhiidhaa soo di’ista roobka waxa aana loo yaqaannaa Osoon (Ozone). Marka uu onkodku dhaco ayaa ay hillaaca u suurtagashaa in uu kala sooco moolikiyuullada (Molecules) Ogsajiinta (Oxygen) iyo Nitroojiinta (Nitrogen) gibilka (Atmosphere). Kaddibna mar labaad ayaa ay dib isugu soo noqdaan oo ay sameeyaan isku-dhis  Naytariik ogsaydhka (Nitric oxide) oo loo soo gaabiyo ‘NO’ iskudhiskan ayaa isaguna dhinaciisa kala falgala qaar ka mid ah maaddooyinka kiimikaad ee kale eek a jira gibilka, waxa aana ka dhex dhasha Osoonka, oo leh ur dheer oo aad ugu eeg urta Kalooriinta (Chlorine).




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.