DAAWO:-Daladda Sonsaf Oo Ka Digtay Dib Dhac Doorashooyinka Ku Yimaadda


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2018 18:39:55
DAAWO:-Daladda Sonsaf Oo Ka Digtay Dib Dhac Doorashooyinka Ku Yimaadda

Hargeysa(HWN):-Dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa war cusub ka soo saartay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan inay qabsoomaan horaanta sanadka soo socda.

War saxaafadeed kas oo baxay dallada Sonsaf ayaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday kulamo ay ururada daladaasi iskugu yimaadeen maalmihii u dambeeyey, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

Ujeeddo: War- Saxaafadeed ku Saabsan Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka

Kulamo is-daba joog ah oo ay yeesheen Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland intii u dhaxaysay 5tailaa 9ka bisha August 2018 ayaa waxaa lagu gorfeeyey qabsoomidda Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka




ee isbarkan. Waxaaana kulamadaa aad loogu daraasadeeyey ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee la muddeeyey bisha March 2019.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay is ku raaceen in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanku uu saamayn taban ku yeelan doono Somaliland horumarkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshaba, sidaa daraadeed Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay ku baaqayaan in aan marna Bulshada Somaliland aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada oo muddo dhaafay in ka badan toban sanadood iyo Golaha Deegaanka oo mudo dhaafay laba sano ku dhawaad.

Waxay Ururada Bulshada Rayidka ahí aad u falanqeeyeen cabashada saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Sool, waxayna Ururada Bulshada Rayidka ahí ku talinayaaan in wada hadal dhab ah laga yeesho saami qaybsiga kuraasta si looga fogaado khilaaf dambe oo la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

Haddaba waxa ay Ururada Bulshada Rayidka ahí soo jeedinayaan talooyinka soo socda:-

  1. In doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka la qabto xiligii loo muddeeyey March 2019, waana in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keenaya qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Degaanka ee isku lamaan.
  2. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada ee Gobolada dalka waa in laga gaadho xal kama dambays ah iyada oo lagaga gudbayo Talo- Qaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaybna ay ka yihiin Asxaabta Qaranka, Golayaasha Sharci dejinta, Ururada Bulshada Rayidka ah, Madax dhaqameedka, Culimaa u diinka, iyo aqoon yahanka dalka.
  3. Waa in si dhakhso ah loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya Xisbiga Waddani iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, waana arrin loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu wada hadal kala yeesho Xisbiga Waddani sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaas.
  4. Waa in Madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka, Golayaasha sharci-dejinta iyo dhamaan Bulsho waynta Somaliland ay ahmiyad gaar ah siiyaan qoondada haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka.

Ugu dambayn, Ururada Bulshada Rayidka ahí mar labaad waxay ku baaqayaan in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaankuba ay noqon doonto mid khatar galisa geeddi socodka hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland, dhaawacna gaadh siinkarta sumcaddii Somaliland ku lahayd Dunida.

Anwar Abdirahman Warsame

Guddoomiyaha SONSAF




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.