Xafladd Lagu Soo Dhawaynayo Murashax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Oo Hargaysa Lagu Qabtay


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2018 10:34:54
Xafladd Lagu Soo Dhawaynayo Murashax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Hargaysa(HWN)Xaflad Balaadhan oo lagu soo dhawaynayo Shaacinta Murashax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Cumar oo u taagan murashax-nimadda golaha deegaanka ee Degmadda hargaysa ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor Ee Magaaladda hargaysa.

Munaasibaddan lagu soo dhawaynayay ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirkii hore ee warshaddaha shucayb Maxamed Muuse,Salaadiin Caaqilo,Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale,waxaana ay dhamaantooda isku raaceen in ay taageero la garab taagan yihiin Murashax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan






src="/attached/IMG_4509.JPG" />

Ugu Horayn waxa Xafladda Furay Murashax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan waxaana uu sheegay in sababta ku kaliftay in ay tahay markuu arkay baahiyaha ka taagan caasimadda hargaysa,waxaana uu ku dheeraaday balan qaadyo uu u sameeyay bulshadda uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

"anigu waxaan isku sharaxay markaan arkay baahida ay bulshadu tabayso ee taala caasimadda hargaysa,markaan arkay deegaanka aan ka soo jeedo oon waddo lahayn,xarun caafimaad lahayn,dugsiyo lahayn waxaan goostay inaan noqdo murashaxa beesha u matalaya doorashadda soo socota ee golaha deegaanka caasimadda hargaysa,waxaana halkan ka sheegayaa inaan noqon doono qof ku hadlaya codka deegaanka uu ka soo jeedo noqon maayo nin meesha dhuuni u tagay ee waxaan noqonayaa nin idiin tirsan oo meesha idinka idiin jooga,mudanayaal waxaan halkan ka sheegayaa madaama oo aad dhibanayaal u tihiin sistamka ood tabaysaa baahiyihii aad xaqa u lahaydeen inaan idiinku shaqeeyo qaab cadaaladi ku dheehan tahay hadaad xilkaas idinku codkiina igu saartaan.

Intaas waxa uu Ku Daray Maxamed Sheekh Xasan Oo ah Murashaxa u taagan golaha deegaanka caasimadda hargaysa."meesha aan mudanayaal u socdaa waa meel gola deegaan ah oo aanu ku kulmi doono dad afkaar kala duwan qaba,lakiin anigu waxaan meesha u tagayaa waa idinka oo aniga ayaa codkiina ku hadlaya oo wixii aad tabaysaa ee caafimaad,waxbarasho,nabad galiyo iyo nadaafadba inaan idinka haqab-tiro,hadaba mar hadaan u taagnahay inaan idinka idiin maqanahay waxaan ana idiin sheegayaa inta maanta halkan joogta iyo inta kale ee iga maqanba inaan codkiina idiinka diyaar ahay inaad isiisaan ood ii hibaysaan,hadda ayaynu ololaha sii bilaabaynaa ilaa aad meesha isaartaana waxa inoo balan ah in aynu halganka halkaas kasii wadda wadno.

Murashax Maxamed Sheek Xasan waxa uu dhinaca kale ku wayci galiyay bulshadda ka soo jeeda degmadda hargaysa in ay qataan kaadhadhka u sahlaya qofku inuu codkiisa waxna ku badali karo waxna ku daaran karo."Waxaan idiin leeyahay gudida doorashooyinku waxa ay shegeen in dib loo furayo kaadhadhkii codaynta doorashadda markaas waxa inoo balan ah si aynu waxna u badalno waxna u doorano in aynu qaadano kaadhka aad ku codaynayso lakiin hadii aad qaadan waydo matihid qof badali kara cida uu ka cabanayo.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee wasaaradda warshaddaha ee xukuumadii madaxwayne siilaanyo shucayb maxamed Muuse ayaa sheegay inuu aad u taageersan yahay murashax u tartamaya golaha deegaanka ee caasimadda hargaysa isla markaasina uu la garab taagan yahay taageero hiil iyo hooba.

"Waxaan sheegayaa inaad adigu murashax nootahay cid kale oo murashax noo ahi majirto waa garanayaa dhibta ay leedahay iyo waayaha loo marayo inaad noqoto xildhibaan lakiin  intaba waanu ku garab taaganahay ilaa inta aanu ku saarayno booskaas ood waliba maayarka ku socotid waanu ku garab taagnaanaynaa.

Suldaan Shucayb Cabdiraxmaan Cumar,Axmed Maxamuud Cismaan Iyo Caaqil Maxamed Maxamuud Muuse (Gees)oo iyaguna madasha hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa shaaciyay in ay taageero la garab taagan yihiin Murashax u taagan golaha deegaanka ee caasimadda hargaysa,waxaana ay balan qadeen inaanu jiri doonin cid kale oo beesha u sharaxnaan doonta.

"Waxaan sheegayaa inaanay jiri doonin cid kale oo dhinac carari doonta murashax aanu wadano ee maanta halkan aynu u fadhino shaacintiisa,waanu ka soo talinay in badan ayaanu soo rog-rognay maanta shaacintiisa waanagan u fadhina cid kale oo beesha matali doontaa jiri mayso isagana waanu u han-waynahay oo dhexda ayaanu u xidhanaynaa in ay beeshu xildhibaan ku yesheenaan caasimadda,isaguna waxaaba uu sheegay inuu maayar noqon doono anaguna waanu garab istaagaynaa oo garab iyo gashaankiisa ayaanu nahay.

Gaba-gabadii dhalinyaro iyo odayaal kale oo iyaguna madasha ka hadlay oo hadaladda iskaga kala dambeeyay ayaa duco iyo amaanba u jeediyay murashax U taagan golaha deegaanka ee caasimadda hargaysa,waxaana ay kula dardaarmeen inuu dhug u yeesho booska hadii ku guulaysto xilka ay u cimaamadeen.

HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.