Dawlada Soomaaliya Oo Hab Baalmarsan Dastuurka U Raadinaysa Cidii Noqon Lahayd Gudoomiyaha Baanka Dhexe


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2018 10:10:21
Dawlada Soomaaliya Oo Hab Baalmarsan Dastuurka U Raadinaysa Cidii Noqon Lahayd Gudoomiyaha Baanka Dhexe

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey raadinaysay qof ku haboon oo ay u dhiibto xilka gudoomiyaha baanka dhexe.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay raadinayaan qof ku haboon shaqada gudoomiyaha baanka dhexe, kaas oo uu cadeeyey inuu noqon karo muwaadin ama ajaanib.

Wasiirka oo ka hadlaya cida ay la doonayaan gudoomiyaha baanka dhexe ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu raadinaynaa inaanu qorano qof ku haboon shaqadan haddii uu yahay soomaali iyo haddii aanu ahaynba”

Hadalka wasiirka ayaa si cad uga hor imanaya dastuurka soomaaliya oo qoraya in qofka noqonaya gudoomiyaha baanka dhexe iyo xubnaha




kale ee maamulku ay noqdaan muwaadiniin soomaali ah isla markaana aan loo ogolayn dadka ajaanibka ah.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.