Hal-abuurnimada Prof. Samatar Iyo Erey-Bixin Cusub. W/Q: Abdishakur Gande


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2018 08:07:28
Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, erey bixin uu dhawaan ku adeegsaday shir jaraa'id oo uu kaga hadlayay xaaladii iyo saamayntii

Burqashada Hal-abuur Ee Prof. A I Samatar Iyo Erey-Bixin Cusub. W/Q: Abdishakur Gande

Erey-bixinta (Goo'gooye) Prof.Samatar Ee Duufaantii Xeebaha Haleeshay . --

Abwaan-nimada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ah hal-abuurnimo, erey-bixin iyo alkumid hawraarsan oo leh farshaxanimo ku qotonta caqli iyo cilmi caafimaad qabta.

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, erey bixin uu dhawaan ku adeegsaday shir jaraa'id oo uu kaga hadlayay xaaladii iyo saamayntii ay yeelatay masiibadii duufaantii xeebaha soomaalida ku habsatay wuxuu kusoo celceliyay “Goo'gooye" erey adeegsigiisa oo u dhiganaa mid uu ku fasirayay duufaantii ree galbeedku ay ugu magaca dareen “Sagar". 

Shirka jaraa'id ee Prof. Samatar,




waxa kaaga muuqanaya in uu adeegsanayo -Mihnadiisii wariye-nimo- xirfadaasoo in mudo ah aanu ku shaqayn.

Qaab tabineedkiisa saxafinimo oo xeeladiisu saraysay waa mida sahashay in aan aqoonsado in ereyga uu adeegsanayaa yahay midka kaliyee ku haboon magaca duufaantii xeebaha soomaalida iyo meelo kale oo dunida ah ba kudhacday.

Waxaynu hore usoo aragnay abaaro aynu u aqoonsanay magacyo muujinaya siday xaaladu ahayd taasi waa mida inteenii xiligaa waxba ka ogayn u sahasha in ay suuraysan karaan sida xaal xiligaa ahaa balse waxaynu dhawaan awood u yeelan waynay in aynu sooyaalka/taariikhda ku dhigno magac ubadkeena danbe u muujiya abaartii 2015 siday ahayd.

Markaa intii ku dhimatay (AHUN) duufaantii uu mayd-kooddii goo'gay, dhaawacyadii googgo'een, dhulkii goo’ga'ay, isku socodkii go’ay, isgaadhsiimihii goo'go'een, guryihii goo'go'een ee wax waliba googgoeen duufaankaasi miyaanu noqonayn “Googgooye"?

Abdishakur Gande

[email protected]

0634200882.                 0634454882

Hargaysa, Maroodijeex

Somaliland.

Mahadsanidiin

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.