Hargeysa(HWN):-maalmihii ugu dambeeyey waxa soo shaac baxay carqalado ka dhashay faro galin ay dawlada soomaaliya ku samaysay arimaha xujaajta ka tagaya somaliland iyo soomaaliya.
Talaabooyinka ay qaaday dawlada soomaaliya ayaa keenay in dib u dhac ku yimaado tagitaanka xujayda waxaanay haatan qarka u saaran yihiin inaanay xujayda soomaalida ahi sanadkan ka qayb galin gudashada waajibaadka xajka.
Talaabooyinka ay dawlada soomaaliya qaaday ayaa la rumaysan yahay inay ku salaysan yihiin cabashada ay dadka soomaalida ahi inta badan ka qabaan qiimaha lagu tago xajka, kuwaas oo tilmaama in diyaaradaha ka ganacsada xujaydu ay sababeen in lagu tago qiime aad u sareeya isla markaana ay la
kulmaan adeeg xumo ku soo wajahda mudada ay gudanayaan waajibaadka xajka.
Xukuumada madaxweyne Farmaajo ayaa go’aansatay inay ka jawaabto walaaca soo wajahay xujaajta,isla markaana ay isku daydo inay hoos u dhigto qiimaha lagu tago xajka.
Wararka ayaa sheegaya in dawlada soomaaliya ay haatan qorshaynayso in xajka lagu soo guto lacag gaadhaysa $3300, halka uu markii hore qiimaha xajku ka ahaa $3800.
Xukuumada soomaaliya ayaa qorshaysay in xujayda ay qaadaan sanadkan diyaaradaha lagu magacaabo Freedom Airlines iyo Ocean & Afrika, balse caqabada ugu weyn ee hortaagan go’aanka dawlada soomaaliya ayaa ah inaanay diyaaradahani haysan ogolaansho ay ku tagaan dalka Sucuudiga isla markaana ilaa hada hortaagan inay xujayda qaadaan.
Wasiirkii diinta iyo awqaafta soomaaliya ayaa xilkiisii ku waayey ka dib markii uu soo jeediyey in hirgelinta qorshahan laga dhigo sanadka dambe balse aanay haatan suura gal ahayn, taas oo xukuumadu ku qanci wayday isla markaana keentay in xilka laga qaado.
Dhinaca kale diyaaradihii qaadi jiray xujayda soomaalida ah ee Juba Iyo Daallo ayaa ilaa hada wada inay xujayda ka qabtaan faylasha xajka, isla markaana waxay hawlahooda u wataan sidii caadiga ahayd.
Siyaasiyiinta Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay cambaaraynayay xukumadda Farmaajo oo ay sheegeen in aan la aqbali Karin faro gelinta ay ku samaysay arrimaha diiniga ah ee Xajka. Waxay sheegeen in arrinkani ku lug leeyahay siyaasad, islamarkaana loo baahan yahay xeelado lagaga hor tago laakiin, wali xukumadda Muqdisho ma sheegin mawqifkeeda.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/somaliland