Madaxweyne Biixi Oo Kulankii Uu La Yeeshay Prof Buubaa Kaga Codsaday Saddex Qodob Iyo Jawaabta Uu Siiyay


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 14:37:44
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Magaaladda Hargeysa Waxa uu dhawaan Kulan uu ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Prof Ismaaciil Hurre Buubaa.

kulankan oo ka sokow sawirro ay madaxtooyaddu baahisay marka laga yimaado aan laga haynin xog rasmi ah, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ku yimid dalab uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay Ismaaciil Hurre Buubaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku qaabilay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa xafiiskiisa ayaa kala hadlay maadamaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta  ka mid ah kuwa ugu xogogaalsan siyaasada geeska in uu kala shaqeeyo dhawr qodob.

hadaba shabakada wararka ee hadhwanaangews oo u dhabo gashay qodobadaasi




ayaa soo heshay waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ka kooban saddex qodob.

1- Madaxweynaha ayaa Siyaasi Buubaa ka codsaday in uu kala shaqeeyo xidhiidhka Itoobiya iyo is-badallada cusub ee ka curtay mandaqadda Geeska Afrika.

2- Xiisadda Tukaraq iyo Arrimaha beesha caalamka sidii loo darsi lahaa

3- Shirkii dhawaan Buurta Gacan-libaax ugu soo dhamaaday beesha Garxajis, iyadoo Buubaa uu madaxweynaha u sheegay in uu la qabo beeshiisa qodobadii kasoo baxay shirkaasi isla markaana wixii ku saabsan shirkaasi uu kala hadli karo guddida beesha.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa  Ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay qodobada uu kaga codsaday kulankaasi badhkood.

 

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.